Friday, June 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 21, 2015
in Wararka
0
Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha dastuurka Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku soo xiray tababar socday saddex maalmood oo cinwaankiisu yahay ( Wacyi-gelinta iyo Baahinta Dastuurka ).

Munaasabadii xiritaanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka midyihiin Khaalid Cumar Cali, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa ugu horeyn bogaadiyay waaxda qorsheynta sida habsamida leh ee ay u soo diyaarisay tababarkan iyo maadooyinka, sidoo kale dadkii wax ka dhigayay iyo kuwii ka faa’ideystay, iyadoo Wasiirku si gaar ah u xusay dhalinyaradii dhowaan ku soo biirtay Wasaaradda oo tababarkan fursad u ahaa, si ay u fahmaan ugana qeyb qaataan horumarinta dastuurka.

“Shaqada Wasaradda Dastuurka ma aha qorista Dastuurka oo kaliya ee waxay ka shaqaysaa arrimaha Dastuurka, waxay la shaqaynaysaa Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo akhrinta Dastuurka, waxaana ansixiyay baarlamaanka, waana guddi qaran, waxaa kaloo la shaqeyneynaa Guddiga la socodka arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka” ayuu yiri Sii hayaha xilka Wasiirka Cadaaladda.

Siiyaha Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ayaa hadalkiisa ku daray “Dastuurkan aan ka hadlayno ee shacabka Soomaliyeed yeelan doono waa in uu ka madax banaanaadaa faragalinta shisheeye, kutagri falka iyo kaligii talisnimo, markii ay dadku dawladnimo soo xusuustaan wal wal iyo cabsi ku reebi jirtay, waa inuu ka baxsanaadaa fawdadii iyo reerkayga ayaa saan ah iyo kooxdayda ayaa sidan ah, isla markaana uu dastuurku yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin”.

Sidoo kale Sii hayaha Wasiirka Cadaalladda iyo Dastuurka ayaa soo dhoweeyay doodaha iyo dhaq dhaqaadyada bulshada ee ka socda dalka, kuwaasoo ah qaab nabadeed ku socda, isagoo ku tilmaamay inay tahay albaab cusub oo u furmay ummadda Soomaaliyeed.

Mar uu ka hadlayay kaalinta dumarka ee ku aadan horumarinta Dastuurka iyo qeybaha hey’adaha dowladda ayuu soo dhoweeyay, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay in maanta tirada gabdhaha in ay soo badanayaan, isla markaana uu rajeynayo in tiradoodu intan ka sii bataan.

Tababarkan ayaa ka mid ahaa tababarada qorsheysan ee ay Wasaaraddu u diyaarisay tayeynta shaqaalaha Wasaaradda iyo diyaarinta qaabka ugu haboon ee looga qayb galin karo bulshada qayba heeda kala duwan horumarinta arrimaha Dastuurka.

IMG_1154

IMG_1183

IMG_1195

IMG_1226

IMG_1239

SAM_0498

SAM_0499

Previous Post

Liverpool iyo Chelsea oo Bareejo Ku Kala Baxay Lugtii Koowaad ee Koobka Capital One “SAWIRRO”

Next Post

Dhalinyarada degmada Dhuusamareeb oo hogaan cusub doortay

Next Post
Dhalinyarada degmada Dhuusamareeb oo hogaan cusub doortay

Dhalinyarada degmada Dhuusamareeb oo hogaan cusub doortay

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In