Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW. Cumar Oo maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
RW. Cumar Oo maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, January 21, 2015… Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Ha’yada Culimada Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta in ay gacan ka gaysta sidii dalka looga saari lahaa marxalada uu ku jiro.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay culimada ayaa la isku weydaarsadeen sida ugu habboon ee culimada diintu iyo dowladdu iskaga kaashan karaan wacyigelinta bulshada iyo la dagaalanka nabad diidka, wuxuuna sidoo kale la tashi kala yeeshay Xukuumadda cusub ee dhawaan uu soo dhisi doono.

Related posts

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025

“Waxaan la soconaa in culimada diintu ay yihiin kuwo meel sare kaga jir bulshada, loogana fadhiyo iney dadaalkooda ku biiriyaan halgankan dalka lagaga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Waana in shacab iyo dowladba u midownaa dagaalka, loona xasilin lahaa goobaha laga xoreeyey, loogana hortagi lahaa fikirka xagjirnimada ah. Waana muhiim ah in culimadu ay qaataan kaalintooda hoggaamineed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharma’arke.

“Kooxda Al-shabaab waa koox baadi ah, kamana turjumayaan u jeedooyinka iyo qiyamka sarreeya ee diinta Islaamka. Xukuumadda aan soo dhisi doono waxa ay balanqaadaysaa in ay kaalin mug leh siin doonto culimada si loo cirib tiro fikirka qalafsan ee kooxda Al-shabab. Kaalinta culimadu waxa ay noqoneysaa mid wax ku-ool, laf-dhabarna u ah horumarka dalka, waxaana kaalin mug leh laga siin doonaa talada dalka iyo go’aamada la gaarayo”

Ugu danbayntii, culimada Soomaaliyeed ee ka qaybgalay kulankan ayaa soo dhoweeyey talooyinka Raysal Wasaaraha. Waxayna sheegeen in ay diyaar u yihiin kala qayb qaadashada dowladda arrimaha nabad galyad, waxbrashada, caafimaadka, iyo wacyi gelinta dhalinta, waxayna kula dar daarmeen Ra’iisul Wasaaraha inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dhamaystirta howlaha adag ee dowlada horyaala ka hor sanada 2016.
—DHAMMAAD—
unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Farta Soomaaliga La Qoray Oo Cadaado Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post
Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Farta Soomaaliga La Qoray Oo Cadaado  Lagu  Qabtay “Sawirro”

Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Farta Soomaaliga La Qoray Oo Cadaado Lagu Qabtay "Sawirro"

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha...

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In