Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Boliiska Oo Digniin U Diray Dadka Ku Ganacsada Hareeraha Wadooyinka Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Taliska Ciidanka Boliiska Oo Digniin U Diray Dadka Ku Ganacsada Hareeraha Wadooyinka Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ugu baaqay ganacsatada ku ganacsada hareeraha wadooyinka in ay tixgaliyaan islamarkaana ay u dhaga nuglaadaan awaamiirta ciidamada xiliyada ay sugayaan ammaanka.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ay wada shaqeeyaan ciidamada iyo dadka Shacabka ah si loo gaaro horumar amni, waxaana uu tilmaamay maalmaha soo socda in magaalada Muqdisho ay ka sameyn doonaan howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Gaashaanle Sare Qaasim Axmed Rooble oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay wadooyinka ciidamada ay ka howl gali doonaan in aan lagu ganacsan Karin hareeraha wadooyinka, waxaana uu ka raali galiyay hakadkaasi ganacsigoodu ku yimid, waxaa ganacsatada in ay u dulqaataan howshaasi ciidamada ammaanka ay sameyn doonaan taasi oo muhiim u ah danta umadda Soomaaliyeed.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayaa isgoysyada iyo wadooyinka magaalada Muqdisho kuwaa oo sugaya ammaanka magaalada Muqdisho oo saacadaha soo socota uu ku soo wajahan yahay madaweynaha dalka Turkiga, iyadoo wadooyinka magaalada Muqdisho lagu xardhay calanka Soomaaliya iyo kan Turkiga taasi oo lagu muujinayo sida dadka Soomaaliyeed ay ula dhacsan yihiin caawimaada dadka Soomaaliyeed ay siineyso Dowladda Turkiga.

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho ku Imaanaya Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho ku Imaanaya Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho ku Imaanaya Soomaaliya

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In