Qalinka: Abuukar Al-Badri,
Muqdisho – Maalintii Axadda waxaa Muqdisho lagu soo dhoweeyey madaxweynaha Dalka Turkiga Md. Rajab Dhayib Erdogan (Recep Tayyip Erdogan) oo dalka ku yimid booqasho taariikhi ah oo qalbiyadda ummadda Soomaaliyeed ku reebtay xusuus iyo hilow kalgacal, kaas oo waayo badan jiri doona haddii uusan waqtigu wax ka bedelin.
Maalmo ka hor inta uusan madaxweyne Rajab imaan, ayaa jidadka loo xiray si ammaanka loo sugo, dadkana waxaa laga codsaday in ay u dulqaataan xaddidaadda dhanka dhaqdhaqaaqa ah inta lagu guda jiro u diyaar garowga iyo soo dhoweynta wafdiga madaxweyne Erdogan oo 10 dal oo qaaradda Afrika ah oo uu socdaal rasmi ah ku marayo ku daray Soomaaliya oo ah dalka uu ka furayey mashaariicda loogu baahida badnaa inta uu furay.
Jidadka Xiran dadka aad ayey saameyn ugu yeesheen nolol maalmeedkooda, waxaana dhici jirtay in ay dadka muujiyaan cabashooyin badan mararkii hore, balse xilligan la soo dhoweynayey madaxweyne Rajab Erdogan dadka oo dhami waa ay ku qanacsanaayeen xirnaanshaha waddooyinka taas oo ay sabab u aheyd diyaargarowga ka muuqda dowladda Soomaaliyeed oo ahaa mid dadka qancinayey.
Sababaha dadka ku dhiirigelinayey in ay niyadsami ku qaabilaan u diyaargarowga madaxweyne Erdogan waxaa ka mid ahaa iyaga oo Turkiga u haya kalgaceyl walaatinimo oo aad u weyn, Erdogan u arka Hoggaamiye u hiiliyey, iyo sida wanaagsaneyd ee ay dowladda Soomaaliya isugu hawshay soo celinta bilicda magaalada maalmo ka hor imaanshaha madaxweyne Erdogan, Waxaa si gaar ahaaneed loo hagaajiyey waddooyinka ay dowladda Turkiga Muqdisho u saartay laamiyada oo intoodii badneyd laga xaaqay bustii iyo habbaaskii dul saarnaa, waxaana lagu xardhay calamada waddamada Soomaaliya iyo Turkigana.
Tabartuba ha gaarsiisee, in kastoo ay calamadu ka lusheen baallooyin mirirsan oo fiilooyin tiro badan ka laalaadeen haddana hawl muhasho qalbiga ku reebeyso oo qofkii damiir lihi uu ku qancayo ayaa laga qabtay arrinta ah in madaxweyne Erdogan la dareensiiyo in Muqdisho ay tahay magaalo laga jecel yahay, waana xaqiiqo dhab ah in laga jecel yahay.
Tusaale jaceylka Turkiga loo hayo ah haddii aan halkan ku soo qaato waxaan jalleecayaa labo arrimood.
- Markii uu dhacay qaraxii lagu weeraray Hotelka SYL ee ay degganaayeen wafdiga hordhaca u ahaa madaxweyne Erdogan dadka Soomaaliyeed ee adeegsada baraha bulshada in badan oo ka mid ah waxay arrintaas ku aheyd naxdin, waxayna ka qaadeen walwal ah in ay taasi baajiso safarka geesiga ummaddan u muujiyey hiilka qaran ee ay bulshadana u heysay hilowga walaaltinimo, waa Erdogane.
Balse markii uu soo baxay war saxaafadeedkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in wafdiga ay imaan doonaan oo aysan qaraxa saameyn ku yeelan doonin, dadka Soomaaliyeed ee adeegsada Facebook waxay taasi kaga jawaabeen in si aad u ballaaran ay u soo saartaan sawirka madaxweyne Erdogan iyo calanka Turkiga, mararka qaarna calamada Soomaaliya iyo Turkiga oo isku laran.
- Arrinta labbaad ee ugu cajiibka badan ayaan ku soo qaadanayaa dhacdo aan maalintii isniinta kula kulmay jidka Maka Al-Mukarama xilli aan shaqo u socday. Waxaan jidka kula kulmay hooyo Soomaaliyeed oo da’deeda aan ku qiyaasay 70 jir oo dhulka ka qaadday mid ka mid ah calamaddii yar yaraa ee Turkiga ee jidka ku xardhanaa oo soo dhacay. Markii ay calankii qaadday, misena inta bustii ka jaftay dhunkatay ayey si cod dheer ah ku tiri, “Erdogan dhulka ayuu naga qaadaye calankiisa dhulka uma quuri karno”. Dareenka Hooyadan waayeelka ah oo isoo jiitay darteed ayaan maamaddii waydiiyey in ay hal ama labo tusaale iga siiso waxa ay u aragto inuu Erdogan dhulka kaga qaaday Soomaalida, waxayna iigu jawaabtay “Haddii Ilaah laga cabsanaayo maanta Soomaaliya ma jiro qoys aan waxba ka faa’iidin soo gurmashadii hagar la’aaneed ee Dowladda Turkiga”, waxayna si degganaan badani ka muuqato u tiri, “Bilicdan soo noqoneysa ee Muqdisho iyo magaalooyin kale oo Soomaaliya ahba waa dhaqaalaha Turkiga si toos ah ama si dadban ha uga yimaadee”.
Min madax illaa shacab looma kala harin soo dhoweynta madaxweyne Erdogan, waxaana durba laabta qaboojinayey marka la arko carruur Soomaaliyeed oo ku lebisan dhar aad u bilic wanaagsan oo ka sameysan isku darka calamada Soomaaliya iyo kan Turkiga, intaas waxaan dheereyd warbaahinta Qaranka oo iyadana dadka aad uga haqab tirtay heeso iyo barnaamijyo ku saabsan waqabadkii Turkiga iyo hiilkooda walaaltinimo ee ay nala garan istaageen.
Madaxweyne Erdogan iyo wafdigiisa oo markii ay soo degeenba dareemay soo dhoweyntii ugu wacneyd intii ay marayeen Geyiga Africa ayaa laga dareemayey inuu aad u muujiyey qushuuc iyo farxadi ku dheehan tahay, mana uusan qarsaneyn in uu muujiyo farxadda uu ka qaadday sida ay bulshada Soomaaliyeed iyo dowladdooda isugu hawleen in ay ku soo dhoweeyaan maamuus taariikhi ah.
Lama dhayalsan karo farriinta uu dirayey calankii Turkiga ee baaxadda weyn loo yeelay ee la dul dhigay terminaalka cusub ee Gegidda Diyaaradaha Aadan Cadde, sawirka Madaxweynayaasha labada dal iyo guud ahaanba calamada iyo astaamaha labada qaran ee lagu xardhay meel walba oo garoonka ka mid ah waxay soo dhoweynta u yeeshay haaneed qaran oo walaalaha Turkiga ku abuuray in ay joogaan dalkoodii hooyo. Madaxweyne Erdogan-na taasi waxay ku dhiiri gelisay inuu ka mahadceliyo sida looga faa’iideystay mashaariicdii uu ka fuliyey Soomaaliya, uuna balanqaaday kuwo hor leh oo aad looga dhursugayey.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo marwada 1-aad ee dalka ayaa iyagana muujiyey sida ay u xambaarsanaayeen dareenka Bulshada Soomaaliyeed ee niyadsamida kalgacal ku dhisnaa ee loo hayey Madaxweyne Erdogan. Madaxweyne Xasan si aan laga doodi karin ayuu Madaxweyne Erdogan ugula dhaqmay sida nin aan MARTI ku aheyn caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaasna dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay u hayaan kalgaceyl walaalnimo.
Waxaa aad loola dhacay oo weliba dareen jiririco ah ku reebay qof walba oo Soomaaliyeed ama qof walba oo Turki u dhashay ee arkay, Gabadhii Soomaaliyeed ee 4 sano jirka aheyd ee madaxweyne Erdogan ubaxa qiimaha badan ee taariikhiga ah ku guddoonsiisay gudaha Isbitaalka Erdogan ee horey loo oran jiray Digfeer, taas oo Madaxweyne Erdogan ku qaabishay muuqaal gudbinayey farriimo badan oo dareen qaran leh.
Gabadhu waxay xirneyd Cambuur ka sameysan calamada Soomaaliya iyo Turkiga oo si heemaal milic maacn badan leh la isugu tolay, waxay huwaneyd calanka Soomaaliya oo garbasaar xijaab ah u aheyd, waxayna gacanta midig ku heysatay laan ubax ah oo dhanka hoose ubax dillaacay ka ah, dhanka kore wadne gudduudan ku leh, dhexdana caleemo qoyan ku sita, kaas oo gabadhu ay raacisay Salaan qushuuc badan gelisay Madaxweyne Erdogan iyo marwaddiisa koowaad, kuwaas oo durba inta gabadhii Soomaaliyeed haabteen dhunkasho iyo habsiin ku boobay.
Gabadha yer waxay madaxweyne Erdogan ku tiri: “Ku soo dhowoow kalgaceyl iyo farxad, waan kaaga mahadcelineynaa sida aad noo garab taagan tahay”. Oraahdani ka soo baxeysay afka 4 jir gabar Soomaaliyeed ah, muuqaalka ay guntaneyd iyo xubnaha uu ka koobnaa Ubaxa ay dhiibtayba waxay madaxweyne Erdogan uga tarjumayeen wanaagga aan sina loo qaadaa dhigi karin ee looga hayo Soomaalia.
Haddii aan dib idin jalleeciyo waqtigii xariga laga jarayey dhismaha cusub ee garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa Iyana milicsigii 1-aadba lala jiriricooday kaddib markii ay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga soo hor istaageen labadii gabdhood ee Soomaaliyeed ee iyaga oo xiran guntiinooyin ka sameysan labada calan ee Soomaaliya iyo Turki masafo ubaxyo lagu xardhay oo ay saran yihiin lagu maqas la soo hor istaagay Madaxweynayaasha.
Laamaha Amniga ee dalka ayaa iyagana waxaa la siiyey boggaadin aad u weyn, kaddib markii ay ku guuleysteen in Muqdisho uusan ka dhicin wax qalqal ammaan ah inta ay doonaanba hala ekaadaane, xitaa maalintii uu madaxweyne Erdogan dalka booqanayey lama hayo qof lagu dilay Muqdisho oo diiwaanka warbaahinta soo galay ama la soo wariyey, taas oo iyadana ah guul kale oo cid walboo gacan ka geysatay ay mudan yahay in la boggaadiyo. Ciidanka ammaanka ee sugayey amniga guud ahhaanba waxay ahaayeen ciidanka Amniga Soomaaliya ee Booliiska iyo nabadsugidda marka laga reebo la taliyeyaal ammaanka ah oo dhanka Turkiga ka socday, kuwaas oo la shaqeynayey ciidanka Soomaaliya ee ammaanka sugayey.
Haddii hawshii qaran ee taariikhiga aheyd ee qabsoontay qofba lagu bogaadinayo oo aan noqonayno dad wax isu qira waxaa kaalinta 1-aad galaya Hay’adaha Ammaanka oo si aan marna habac laheyn u agaasimay habsami u socdoka hawsha, taas oo la’aantood aysan dhacdeen in ay wax hagaagaan.
Sidoo kale maamulka Gobalka Banaadir ee bilicda aad u soo saaray ayaa mudan in dhankiisa la boggaadiyo, waxaanna bogaadinta inteeda kale iska leh bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo hawshaas wanaagga badan ee qabsoontay aan sida bulshada ugu riyaaqdeen la’aantood, waxaana dhihi karaa warbaahinta Soomaaliyeed waa ay qaan gaartay, waxayna hanatay doorkeeda shariifka ah ee ay bulshada uga fadhiday.
Mar haddii aan sidaasi wanaagga badan leh u qeexay muuqaalkii qurxoonaa ee ay quluubteena ku reebtay booqashadii Madaxweyne Erdogan iyo agaasinkii wanaagsanaa ee ay sameysay dowladda Soomaaliya haddaba maxay faa’iido ah ee ay bulshada u keeneysaa ayaa la is weydiin karaa.
Mar haddii madayweyne Erdogan muddo 3 sano gudahood ah uu kaga dhabeeyey balanqaadyadiisii ahaa inuu Soomaaliya ka caawinayo dhanka waxbarashada, Caafimaadka iyo dhismaha Jidadka caasimadda, isla markaasna ay intaas noo raaciyeen dhismaha garoonka diyaaradaha iyo ballaarinta dekedda Muqdisho haddana balanqaadkiisii ahaa inuu Muqdisho ka dhisaayo toban kun oo guri ayaa isna la filayaa inuu ku fulo waqti aad uga kooban kii hore.
Muqdisho oo ah magaalo aan anaga oo dadkeedii ah dayacnay booqashadii Erdogan ee Bishii Agoosto ee 2011 waxay ka dheeftay Isbitaallo badan oo aad casri u ah, Iskuullo heerkoodu gaarsiisan yahay kuwa Turkiga, laamiyadii oo badankoodii dhismay, ganacsigii oo aad u bulaalay, Garoonkii diyaaradaha oo la casriyeeyey, Dakaddii oo ay ku socoto dib u hagaajin, masaakiintii dhammaaneysay oo gargaar heshay iyo ummadda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay muddo 20 sano ka badan heshay qaran u gargaara oo aan gummaadkeeda ka qeyb qaadaneyn, intaas oo isku duuban iyo kuwo badan oo aan la soo koobi karin ayuu Erdogan Soomaaliya ka fuliyey, dadka Soomaaliyeedna way uga abaal hayaan illaa hadda.
Ugu dambeyntii, Haddii la qalli lahaa wadnaha qof walba oo Soomaali ah maanta, waxaa hubanti ah xinjirta wadnaha bartankiisa kulaashaa iyo xididdada cad cad ee dhiigga qaada isku darkooda uu ka sameysmi lahaa Calanka dalka Turkiga, halka qanjirada kale ee soo harayna ay u qaabeysmi lahaayeen magaca halyey Erdogan.
Waxaanse ku soo gabagabeynayaa jalleecideydan in booqashadii taariikhiga aheyd ee madaxweyne Erdogan ay aheyd mid huwan Hiil-Qaran laguna soo dhoweeyey hilow walaalnimo.
Wixii dhaliil ama fikir ah ku soo hagaaji [email protected]