Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya Oo Kaga Qeyb gashay Qaahira Bandhiga Buugaagta Caalamiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya Oo Kaga Qeyb gashay Qaahira Bandhiga Buugaagta Caalamiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muddo 25 sano kaddib ayaa Soomaaliya waxa ay ka qeyb gashay bandhiga buugaagta Caalamiga oo sanadkiiba mar lagu qabto magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyadoo bandhigaasi ay ka qeyb galeen qorayaal Soomaaliyeed iyo milkiilayaasha Maktabadaha ee Soomaaliyeed.

Furitaanka bandhiga buugaagta caalamiga iyo carabta ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’isul wasaaraha dalka Masar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dalkaasi, iyadoo Ra’isul wasaaraha uu booqday Soomaali ku sugan dalka Masar, isagoo u hambalyeeyay qorayaasha Soomaaliyeed oo uu ku ammaanay in door muuqata ay ka qaateen horumarinta dalka.

Related posts

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

February 8, 2026
Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS  oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

February 8, 2026

Axmed Maxamed Buqaari oo ah cilmi baare Soomaaliyeed kana qeyb galaya bandhigaasi oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Soomaaliya doorkii ay ku laheyd Soomaaliya caalamka ay la soo laabatay islamarkaana ay ka qeyb galeyso shirar caalami ah oo tuaale u soo qaatay bandhigani oo markii ugu horeysay ay ka qeybgaleyso.

Bandhiga buugaagta oo sanadkiiba mar la qabto ayaa sanadkani waxaa marti galisay Dowladda Masar, iyadoo shirkaasi ay ka qeyb galeen 26 wadan oo Soomaaliya ay ku jirto, waxaana ka qeyb galka bandhigaasi uu ka dhigan yahay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii horumarka islamarkaana uu ka muuqanayo calanka Soomaaliya shirarka caalamiga ah taasi oo amaanteeda ay leedahay Dowladda Soomaaliya oo dadaal dheer u gashay wanaajinta xiriirka caalamiga ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

DAAWO-Nalalka cad ceedda ku shaqeeya oo laga hirgeliyay Jidka Warshadaha “SAWIRRO”

Next Post
DAAWO-Nalalka cad ceedda ku shaqeeya oo laga hirgeliyay Jidka Warshadaha “SAWIRRO”

DAAWO-Nalalka cad ceedda ku shaqeeya oo laga hirgeliyay Jidka Warshadaha "SAWIRRO"

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

February 8, 2026
0

Wasaaradda Qoyska oo Muqdisho ku qabatay Munaasabadda 6da February ee maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka gabdhaha, munaasabaddan ayaa waxaa...

Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS  oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

February 8, 2026
0

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo saaray...

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

February 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu wada-hadallo miro-dhal ah...

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

February 8, 2026
0

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), iyo wafdi ballaaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In