Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banaan bax ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Banaan bax ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo oo ka dhacay magaalada Boosaaso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeeday af-lagaaddadii wargeyska Charlie Hebdo uu u geystay nabigeenna Muxammad (N.N.K.H) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Isu soo baxaan ayaa waxaa ka qeybgalay culimaa’udiin iyo qeybaha kale ee bulshada, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo ay kaga soo horjeedaan Wargeyska Charlie Hebdo, waxaana ay isugu yimaadeen garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso.

Related posts

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

August 26, 2026
Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

August 26, 2026

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay dibad baxa ayaa sheegay inay ka xunyihiin sawir-gacmeedkii lagu af-lagaadeeyay nabigeena Muxammed (N.N.K.H), iyagoo ugu baaqay umadaha Muslimiinta ah inay si wadajir dareenkooda uga muujiyaan gafka loo geystay nabigeena Muxammad (N.N.K.H), ayna sameeyaan dibad baxyo ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo ee ka soo baxa dalka Faransiiska.

Dadkii ka hadlay dibad baxa ayaa yiri “Dibad baxaan waxa uu ka turjumayaa aflagaaddii uu wargeyska Charlie Hebdo u gesytay Nabigeenna Muxammaed (N.N.K.H), mana ogolaan doono in Wargeysyo lagu aflagaadeeyo Nabigeenna, mana u dulqaadan karno, teeda kale waan cambaareyneynaa dadkii ku taageeray in Wargeyska Charlie Hebdo uu aflagaado u geysto Nabigeenna Muxammad (NNKH)”.

Culimada Gobolka Bari ayaa dunida Islaamka , gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay u istaagaan sidii ay u muujin lahaayeen dareenkooda ku aadan gafka loo geysey Nebi Muxammad (N.N.K.H).

Dibad baxyo kale oo lagu cambaareeyay af-lagaaddada lagula kacay nabi Muxammad (N.N.K.H) ayaa lagu qabtay Gobollada Benaadir, Baay, Galgaduud, Nugaal, Mudug, Bari iyo meelo kale, kuwaasi oo dadkii isugu soo baxay ay si wada jir ah u cambeereeyeen falkaasi.

Previous Post

Maamulka degmada Balcad oo agab isboorti guddoonsiiyay xiriirka kubadda cagta ee degmadaasi

Next Post

Allaha u naxariisto Dr Xuseen Kadare oo ku geeriyooday Muqdisho

Next Post
Allaha u naxariisto Dr Xuseen Kadare oo ku geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariisto Dr Xuseen Kadare oo ku geeriyooday Muqdisho

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

August 26, 2026
0

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed si ay uga wada hadlaan fursadaha ka jira...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

August 26, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya awoodihiisa Dastuuriga ah, kuna dhaqmaya sharciga doorashooyinka Qaranka, sharciga dhisidda Guddiga...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In