Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gadiidka ka howlgala Caasimadda oo amarro adag laga soo saaray “MUUQAAL”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 8, 2015
in Wararka
0
Gadiidka ka howlgala Caasimadda oo amarro adag laga soo saaray “MUUQAAL”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda gaadiidka ayaa sheegtay in ay bilowday hubinta gaadiidka ka howlgalla magaalada Muqdisho, kuwaasi oo la sheegay in intooda badan dadka wata aysan haysanin warqaddda milkiyadda gaadiidka ay wataan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaadiidka iyo Taliyaha ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo si wada jir ah ula hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in hay’adaha amniga lagu wargeliyay inay baaritaanno ku sameeyaan milkiyadda gaadiidka magaalada ka howlgalla, si loo hubiyo lahaanshiyaha gaadiidka.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaadiidka Cali Gacal Gaabow ayaa xusay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in 50- gaadiid oo ay ciidanka gacanta ku dhigeen in dadkii watay aysan u haysanin warqad cad oo muujineysa milkiyadda gaadiidka ay wateen, isagoo xusay in laga bilaabo maanta ay hay’adaha amniga arrintaasi dabagal ku sameybnayaan.

“Wasaaraddu waxa ay ku howlaneyd hubinta gaadiidka magaalada ka howlgalla inta badan waxaa soo baxday in gadiidka dadka wata aysan haysan warqad rasmi ah oo cadeyn u ah lahaanshiyaha gaadiidka, dhammaan gaadiid layda waxaan faraynaa in cidkasta ay hubiso milkiyadda baabuurka ay wadato, Ciddii lagu soo qabto iyada oo wadata baabuur milkiyad qof kale ku qoranyahay sharciga ayaa la marsiin doonaa “ ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda gaadiidka.

Sidoo kale agaasimaha waxa uu ku baaqay in dadka gadiidka kala iibsanaya in warqadda wareejinta baabuurka ay la tagaan xarunta wasaaradda gaadiidka si loo diiwaan galiyo.

Taliyaha ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafiko Sareeyo Guuto Cali Xirsi Barre “Cali gaab” ayaa tilmaamay in ciidanka Nabadgelyada ay u taaganyihiin xaqiijinta gaadiidka iyo dadka wata.

Wasaaradda gaadiidka ayaa dadaal ugu jirta hubinta milkiyadda gaadiidka ka howlgalla magaalada, si loo ogaado haddii mid ka mid ah gawaaridaasi fal dambiyeed lagu halo cidda iska leh ee loo raacanayo, taasi oo qeyb libaax leh ka qaadan karta Nabadgelyada Caasimadda.

Previous Post

Odayaal dhaqameed xabad joojin kala dhex dhigay maleehiyaad ku dagaallamay Beladweyne

Next Post

Taliyaha qeybta 12-ka April oo kulan la yeeshay saraakiisha kale ee qeybtaas “MUUQAAL”

Next Post
Taliyaha qeybta 12-ka April oo kulan la yeeshay saraakiisha kale ee qeybtaas “MUUQAAL”

Taliyaha qeybta 12-ka April oo kulan la yeeshay saraakiisha kale ee qeybtaas "MUUQAAL"

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In