Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW. Cumar: “Go’aanka Bangiyada Maraykanku waxay horseedi karaan dhibaato kale oo bini’adamnimo oo dalka soo food saarta”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
RW. Cumar: “Go’aanka Bangiyada Maraykanku waxay horseedi karaan dhibaato kale oo bini’adamnimo oo dalka soo food saarta”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay bangiyada dalka Mareykanka in ay ka laabtaan go’aanka ay ku xirayaan xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka. Waxana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed intooda badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay adeegga Xawaaladaha oo ay lacago usoo marsiiyaan eheladooda ku nool dibadda.

“Lacagaha ay soo diraan Soomaalida ku nool dibadda, ayna fududeeyaan bangiyada Mareykanka, waxa ay u tagtaa qoysas iyo caruur la tacaalaya nolol adag. In badan oo Soomaali ah ayaa ku tiirsan adeega ay u fudiyaan Xawaaladahu” ayuu yiri Sharmaarke.

Related posts

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dareensan tahay wa-lwalka Bangiyada ee ah la dagaallanka dhaqdhaqaaqyada sharci darada ah, xalaaleeynta lacagta dambiyada laga sameeyo iyo argagixisada, laakiinse uu horseedi karo go’aanka Bangiyada dhibaato kale oo bini aadamnimo oo dalka soo food saarta.

“Go’aanka Bangiyada Mareykanka ee ah in uu xirayo xisaabaadka bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha lacagta waa in dib loo eegaa maxaa yeelay tani waxa ay marmarsiiyo la’aan dhibaataynaysaa Soomaaliya oo dhan”.ayuu yiri RW Cumar.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay nolosha dadka Soomaaliyeed wax ka badan 60% ay ku xiran tahay lacagta ay qurba joogtu ka soo diraan dibadaha“Muddo sanado ahba Xawaladaha Soomaalidu waxay samaynayeen shuruudaha iyo soo rogida sharciyo adag si ay howlahood shaqo u noqdaan kuwo aan mugdi ku jirin. Waxey inbadan ku celceliyeen iney u heelan yihiin wax ka badalka habkii ay lacagta u diri jireen. Dawlad ahaan, waan amaanaynaa dadaalkooda iyo baaqayada mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanku ku doonayaan in Xawaaladuhu ku sii shaqeeyaan, waxaana ugu baaqaynaa Bangiyada Maraykanka in ay xoogga saaraan in xal laga gaaro dhibaatadaan hada soo korortay, halkii lagu deg degi lahaa in xawaaladaha laxiro.

Previous Post

Madaxa UNFPA ee Soomaaliya oo maanta booqday Puntland”sawiro”

Next Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Guddoon siiyey Shahaado Sharaf Uu Ku Muteystay Dhowrista Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Next Post
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Guddoon siiyey Shahaado Sharaf Uu Ku Muteystay Dhowrista Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Guddoon siiyey Shahaado Sharaf Uu Ku Muteystay Dhowrista Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In