Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Dhuus Mareeb

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo guul ku tilmaamay shirka IGAD
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ay kamid yihiin Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusa Mareeb ee Ugaas Nuur waxaa si diiran u soo dhaweeyay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiiro dowlaha Arrimaha dibadda,Taliyaha hay’adda nabad sugidda, Guddoomiyaha gobolka Galgaduud iyo boqolaal kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Dhuusa Mareeb oo watay sawirka Madaxweynaha iyo calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

U jeedada booqashada Madaxweynaha ee Dhuus Mareeb ayaa ah in uu furo shirka dib u heshiisiinta Beelaha gobolada dhexe kaas oo mudooyinkii dambe qaban qaabadiisa ka socotay deegaanada gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Amaanka magaalada Dhuusa Mareeb ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana halkaasi jooga cutubyo ka tirsan ciidanka hay’adda nabad sugidda Qaranka gaar ahaan ciidamada si gaar ka ah u tababaran ee Gaashaan kuwaas oo si weyn u sugaya amaanka Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Previous Post

Soomaali ka qeyb galay shir dhallinyaro oo lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay

Next Post

Xulka Ivory Coast oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Abidjan “SAWIRRO”

Next Post
Xulka Ivory Coast oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Abidjan “SAWIRRO”

Xulka Ivory Coast oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Abidjan “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In