Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaali ka qeyb galay shir dhallinyaro oo lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Soomaali ka qeyb galay shir dhallinyaro oo lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abubakar Shiikh Cabdulle oo ah arday takhasus ka dhigto Jaamacada New York University ee  ku taalo Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ka qayb galay shirka dhallinyarada adduunka oo lagu qabtay xarunta dhaxe ee Qaramada Midoobay oo ku taal magaalada New York.

U jeedada shirkaan ayaa ahayd in la isu keeno hoggaamiyeyaasha dhallinyarada adduunka si ay fikradahooda uga dhiibtaan hiigsaga cusub ee qaramada midoobay oo lagu magaabo Sustainable Development Goals (SDG). Shirkaan oo socday mudo laba maalin ah  aya waxaa ka soo qayb galay hoggaamiyeyaasha dhalinyarda qaaradaha aduunka.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Qodabbada looga hadlay shirka  waxaa ka mid ahaa dowrka ay dhalinyarada ka cayaari karaan hiigsiga cusub ee UN-ka iyo sida ay uga qayb qaadan qaadan karaan barnaamijyada horumarineed ee ay fuliso Qaramada Midobay. Abubakar oo aha hogaamiye dhalinyaro ahna Soomaliga kaliya ee shirkaas ka qayb galay ayaa ka hadlay dhibka haysato dhallinyarada adduunka gaar ahaan dhallinyarada ku nool wadama soo korayo sida Soomaliya.

“ Nasiib xumo, dhibaatada ka socto waddamada soo korayo sida abaaraha,dagaalo iyo bii’ada oo beddelanta, waxay saameynta ugu wayn ku yeelan doontaa dhallinyarada hadda ku nool waddamadaan oo ah kuwa inta badan nafta ku waayo aafooyinka iyo dagaallada” sidaa waxaa yiri Abubakar oo khudbad ka jeediyay madasha shirkaas.

Sidoo kale Mr Abuukar  aya ku dooday sida ay muhiimadda u leedahay in dhalinyarada laga qayb galiyo hoggaanka si ay mustaqbalkooda uga shaqeeyaan. Isagoo ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato dhibaatada haysato dhalinyarada Soomaaliyeed kana qayb galiso dhallinyarada maamulka iyo hoggaaminta dalkooda.

FullSizeRender_1

Previous Post

Xaaladda Guriceel oo deggan kaddib markii ay saakay weerareen maleeshiyaad hubeysan-DHAGAYSO

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Dhuus Mareeb

Next Post
Madaxweynaha oo guul ku tilmaamay shirka IGAD

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Dhuus Mareeb

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In