Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Boostada iyo Isgaarsiinta oo booqdey machadka Isgaarsiinta Afrika, Nairobi.SAWIRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Boostada iyo Isgaarsiinta oo booqdey machadka Isgaarsiinta Afrika, Nairobi.SAWIRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa booqdey Machadka Isgaarsiinta Afrika ee marka lasoo gaabiyo magaciisa loo yaqaano AFRALTI oo ay xubno ka yihiin waddamo badan oo ka tirsan qaaradda Afrika.

Booqashada Agaasimaha ayaa timid kadib markii uu casuumad ka helay Agaasimaha Guud ee machadka AFRALTI oo lasameeyey 1987 waxayna labada agaasime ka wadahadleen sidii Machadka AFRALTI uu utababar u siin lahaa shaqaalaha Wasaaradda  Boostada iyo Isgaarsiinta.Machadkan ayaa lagu tababaraa xirfadlayaasha Afrika kuwaasoo ka shaqeeya Isgaarsiinta waxaana lagu dhigaa Koorsooyin badan. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiiinta ayaa warbixin dheer ka bixiyay xaaladda dalka iyo gaar ahaan baahida Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo wadda dadaal badan.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Maanta oo aheyd Talaado waxuu Agaasimaha Guud o uu weheliyo lataliyaha Xafiiska Raisul Wasaaraha dhinaca Isgaarsiinta mudane Burhaan Iimaan ay la kulmeen hay’adda Sharci dajinta Kenya ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano Communication Commision of Kenya(CCK) . Labada masuul ayaa warbixin ka bixiyay xaaladda wasaaradda iyo dadaalka ay dawladdu ugu jirto in la dhameystiro xeerka Isgaarsiinta dalka kaasoo waxbadan ka tari doona sharciga Isgaarsiinta dalka.

Agaasimaha Guud oo khudbad kooban siiyay masuuliyiinta CCK ayaa ka codsaday hay’adda CCK iney tababar badan siiyaan shaqaalaha wasaaradda isagoo sheegey in wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu diyaar u tahay inay waxbadan ka barato CCK. Machadka AFRALTI iyo hay’adda CCK ayaa aad usoo dhaweeyey masuuliyiinta waxeyna balanqaadeen inay taageero buuxda siinayaan wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyadoo loo balamiyay kulamo kale iyo in shaqaalaha wasaaradda loo tababaro.

Kulamadii Agaasimaha Guud uu la yeeshay madaxda hay’adahan ayaa ahaa kuwa midha dhal ah laguna wado in labada dhinac ay dhexmaraan xariir wanaagsan kuna bilawdey jawi wanaagsan.

IMG_20150209_104926 IMG_20150209_105049 IMG_20150210_130744 IMG_20150210_145623 IMG_20150210_145631 WP_20150209_11_26_35_Pro WP_20150209_11_26_44_Pro WP_20150209_11_27_29_Pro WP_20150209_11_27_36_Pro

 

 

Previous Post

MUQAA;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka dib u heshiisiinta gobollada Dhexe, Muqdishana ku soo laabtay(Sawirro)

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In