Kooxda Everton ayaa waxaa garoonkeeda Goodison Park 0-1 uga badiyay kooxda Chelsea oo hogaamineyso horyaalka ingiriiska.
Garsoorihii ciyaarta Jon Moss ayaa daqiiqadii 88-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah siiyay ciyaaryahan Gareth Barry oo qeybtii hore ee ciyaarta qaatay kaar digniin ah.
Ciyaaryahan Willian ayaa dhamaadkii waqtigii caadiga ahaa ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Chelsea.
Kooxda Chelsea ayaa horyaalka ingiriiska ku hogaamineyso 59-dhibcood,halka kooxda Everton ay horyaalka uga jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 27-dhibcood.
Kooxda Stoke City ayaa waxaa garoonkeeda Britannia Stadium 1-4 uga badiyay kooxda Manchester City.
Kooxda Manchester City ayaa goolka la hor maray,waxaana daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Sergio Aguero.
Ciyaaryahan Peter Crouch ayaa daqiiqadii 38-aad ee ciyaarta gool bareejo ah u dhaliyay kooxda Stoke City,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Ciyaaryahan James Milner ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta gool labaad u dhaliyay kooxda Manchester City.
Ciyaaryahan Sergio Aguero ayaa daqiiqadii 70-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad oo rigoore ahaa u dhaliyay kooxda Manchester City.
Ciyaaryahan Samir Nasri ayaa daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta goolka afaraad u dhaliyay kooxda Manchester City.
Kooxda Manchester City ayaa kaalinta labaad uga jirto horyaalka ingiriiska,waxana ay leedahay 52-dhibcood,halka kooxda Stoke City ay horyaalka uga jirto kaalinta tobanaad,iyadoo leh 33-dhibcood.
Kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford 3-1 uga badisay kooxda Burnley.
Kooxda Manchester United ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii lixaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Chris Smalling oo bedel ku soo galay ciyaarta,laguna bedelay Phil Jones oo dhaawacmay daqiiqadii shanaad ee ciyaarta.
Ciyaaryahan Danny Ings ayaa daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta gool bareejo ah u dhaliyay kooxda Burnely.
Ciyaaryahan Chris Smalling ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta gool labaad u dhaliyay kooxda Manchester United,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Ciyaaryahan Robin van Persie ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka sedaxaad oo rigoore ahaa u dhaliyay kooxda Manchester United.
Kooxda Manchester United ayaa soo gashay kaalinta sedaxaad ee horyaalka ingiriiska,waxana ay leedahay 47-dhibcood,halka kooxda Burnley ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.
Kooxda Southampton ayaa garoonkeeda St Mary’s Stadium barbardhac 0-0 ah kula gashay kooxda West Ham United.
Garsoorihii ciyaarta Craig Pawson ayaa daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah u taagay gool-hayihii kooxda West Ham United Adrian,ka dib markii kubad ku qabsaday banaanka xariijinta 18-ka.
Kooxda Southampton ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta afaraad,waxana ay leedahay 46-dhibcood,halka kooxda West Ham ay horyaalka uga jirto kaalinta sideedaad,iyadoo leh 38-dhibcood.
Kooxda Crystal Palace ayaa garoonkeeda Selhurst Park barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Newcastle United.
Macalinkii hore ee kooxda Newcastle Alan Pardew oo hada hogaanka u haya kooxda Crystal Palace ayaa garoonka Selhurst Park ku soo dhaweeyay ku xigeenkiisii hore ee John Carver oo hada hogaanka u haya kooxda Newcatle United.
Kooxda Newcastle United ayaa goolka la hor martay,waxaana dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Papiss Cisse,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Ciyaaryahan Fraizer Campbell ayaa daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Crystal Palace.
Kooxda Newcastle United ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta 11-aad,waxana ay leedahay 32-dhibcood,halka kooxda Crystal Palace ay horyaalka uga jirto kaalinta 13-aad,iyadoo leh 27-dhibcood.
Kooxda West Bromwich Albion The Hawthorns 2-0 uga badisay kooxda Swansea City.
Ciyaaryahan Brown Ideye ayaa daqiiqadii 60-aad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda West Bromwich Albion.
Ciyaaryahan Saido Berahino ayaa daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda West Bromwich Albion.
Kooxda West Bromwich Albion ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta 14-aad,waxana ay leedahay 26-dhibcood,halka kooxda Swansea City ay horyaalka uga jirto kaalinta sagaalaad,iyadoo leh 34-dhibcood.