Dabeylahani ayaa ah kuwa sanadkiiba mar ku dhufta xeebaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug, iyadoo ay hakad galiyeen howlihii kaluumaysi ee halkaasi ka socday, waxaana dabeylahani saameyn ku yeesheen dad badan oo ay noloshoodu ku tiirsaneyd kaluumaysiga
Guddoomiye ku xigeenka degmada Hobyo ee gobolka Mudug Maxamed Cali Guure ayaa wax ka weydiinay saamaynta ay dabeylahan ku yeesheen kalluumeysatada noloshoodu ay ku tiirsaneyd, isagoo sheegay in laashashkii ay ku kaluumeysanayeen ay ku bur bureen dabeylahaasi.
Ugu dambeyntii Maxamed Cali Guure ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha in gar gaar ay u fidiyaan dadka noloshoodu ay saameynta ay ku yeelatay dabeylahani islamarkaana ku bur buray waxyaabihii ay ku dabarayeen noloshoodu.