Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafladda ku dhawaaqista Jaamacadda SKY oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xafladda ku dhawaaqista Jaamacadda SKY oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu dhawaaqayay Machadka SKY oo maanta loo badalay Jaamacad, ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno, Aqoonyahanno, Qeybaha Bulshada, Ururada Haweenka Qaranka, kan Gobolka Banaadir, Dhallinyarada Qaranka, Daladaha Waxbarashada ee ka dhisan caasimadda iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda oo isugu jirtay Qalin Jebin Dufcaddii Saddexaad ee Machadka SKY oo kala ah: Diploma of IT, Diploma of Nutrition, Diploma of Secretary iyo Computer Applications oo ay ka qalin jebinayeen ilaa iyo 79 arday iyo ku dhawaaqista Jaamacadda SKY ayaa xubnihii ka hadlay waxa ay sheegeen in ay aad u soo dhaweynayaan hirgelinta Jaamacadda SKY ee laga hirgeliyey Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026

Guddoomiyaha Jaamacadda SKY Maxamed Macalin Xasan (Maxamed Yare) oo ka hadlay ku dhawaaqista magaca Jaamacadda ayaa sheegay in ay u fureen sidii ay u dabooli lahaayeen baahida waxbarasho ee ka jirta Degmaa Heliwaa, gaar ahaan dhanka arrimaha tacliinta sare, isagoo xusay in ay sare u qaadayaan tacliinta sare ee dalka.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi (Qoslaaye) oo ka hadlay ku dhawaaqista Jaamacadda ayaa tilmaamay in uu aad u soo dhaweynayo in degmada laga hirgeliyo Jaamacaddii ugu horeysay, isagoo ku baaqay in dhalinta ay u istaagto waxbarashada.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Jaamacadda Lafoole ee dhanka Waxbarashada Siraaji Canshuur oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa maamulka sare ee Jaamacadda ku booriyay in ay sare u qaadaan tacliinta sare ee dalka.

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka sheekeeyay machadka SKY heerarkii waxbarasho ee uu soo maray, waxaana uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in laga bilaabo maanta machadka SKY loo badalay Jaamacadda SKY, uuna soo dhaweynayo sare u qaadista tacliinta sare ee dalka.

Madaxa xiriirka ee Jaamacadda SKY, Cumar Muxidiin Cabdulle (Sero) ayaa sheegay in Jaamacaddu ay furantahay, isla markaana ay socoto isdiiwaangelinta ardayda cusub.

2

3

4

5

IMG_0923

IMG_0956

IMG_0988

IMG_0995

IMG_1000

IMG_1035

IMG_1038

IMG_1088

IMG_1105

IMG_1126

IMG_1130

IMG_1184

IMG_1203

IMG_1213

IMG_1233

10

1

6

7

8

9

Previous Post

“Sawirro” muuqaal-Wasiirka cusub ee haweenka oo xilka la wareegtay

Next Post

Maxaa u sabab ah burburka Alshabaab?

Next Post
Maxaa u sabab ah burburka Alshabaab?

Maxaa u sabab ah burburka Alshabaab?

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Dalladda SORECA kala hadashay horumarinta kaabayaasha iyo magaalooyinka

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Dalladda SORECA kala hadashay horumarinta kaabayaasha iyo magaalooyinka

April 15, 2026
0

MUQDISHO | 15 Abriil 2026 – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaaciil...

Wasiir Daa’uud “Barnaamijka dhir-beerista waxaa uu qiimo badan u leeyahay arrimaha deegaanka iyo qaranka”

Wasiir Daa’uud “Barnaamijka dhir-beerista waxaa uu qiimo badan u leeyahay arrimaha deegaanka iyo qaranka”

April 15, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In