Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafladda ku dhawaaqista Jaamacadda SKY oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xafladda ku dhawaaqista Jaamacadda SKY oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu dhawaaqayay Machadka SKY oo maanta loo badalay Jaamacad, ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno, Aqoonyahanno, Qeybaha Bulshada, Ururada Haweenka Qaranka, kan Gobolka Banaadir, Dhallinyarada Qaranka, Daladaha Waxbarashada ee ka dhisan caasimadda iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda oo isugu jirtay Qalin Jebin Dufcaddii Saddexaad ee Machadka SKY oo kala ah: Diploma of IT, Diploma of Nutrition, Diploma of Secretary iyo Computer Applications oo ay ka qalin jebinayeen ilaa iyo 79 arday iyo ku dhawaaqista Jaamacadda SKY ayaa xubnihii ka hadlay waxa ay sheegeen in ay aad u soo dhaweynayaan hirgelinta Jaamacadda SKY ee laga hirgeliyey Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026

Guddoomiyaha Jaamacadda SKY Maxamed Macalin Xasan (Maxamed Yare) oo ka hadlay ku dhawaaqista magaca Jaamacadda ayaa sheegay in ay u fureen sidii ay u dabooli lahaayeen baahida waxbarasho ee ka jirta Degmaa Heliwaa, gaar ahaan dhanka arrimaha tacliinta sare, isagoo xusay in ay sare u qaadayaan tacliinta sare ee dalka.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi (Qoslaaye) oo ka hadlay ku dhawaaqista Jaamacadda ayaa tilmaamay in uu aad u soo dhaweynayo in degmada laga hirgeliyo Jaamacaddii ugu horeysay, isagoo ku baaqay in dhalinta ay u istaagto waxbarashada.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Jaamacadda Lafoole ee dhanka Waxbarashada Siraaji Canshuur oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa maamulka sare ee Jaamacadda ku booriyay in ay sare u qaadaan tacliinta sare ee dalka.

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka sheekeeyay machadka SKY heerarkii waxbarasho ee uu soo maray, waxaana uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in laga bilaabo maanta machadka SKY loo badalay Jaamacadda SKY, uuna soo dhaweynayo sare u qaadista tacliinta sare ee dalka.

Madaxa xiriirka ee Jaamacadda SKY, Cumar Muxidiin Cabdulle (Sero) ayaa sheegay in Jaamacaddu ay furantahay, isla markaana ay socoto isdiiwaangelinta ardayda cusub.

2

3

4

5

IMG_0923

IMG_0956

IMG_0988

IMG_0995

IMG_1000

IMG_1035

IMG_1038

IMG_1088

IMG_1105

IMG_1126

IMG_1130

IMG_1184

IMG_1203

IMG_1213

IMG_1233

10

1

6

7

8

9

Previous Post

“Sawirro” muuqaal-Wasiirka cusub ee haweenka oo xilka la wareegtay

Next Post

Maxaa u sabab ah burburka Alshabaab?

Next Post
Maxaa u sabab ah burburka Alshabaab?

Maxaa u sabab ah burburka Alshabaab?

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa...

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In