Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ka barakacay Guriceel “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ka barakacay Guriceel “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo federaalka ah ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed “Odowaa” oo ay ka qeyb galeen Xoghayaha joogtada ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Hanti dhawrka guud, howlwadeenada Wasaaradda iyo xubno kale laguna qabtay Muqdisho ayuu hay’adaha samafalka ugu baaqay in dadkii ka barakacay Guriceel gurmad la gaarsiiyo.

Agaasimaha Maamulka iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Nuur Maxamed Diiriye oo ku hadlayay magaca shaqaalaha ayaa u mahadceliyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda, isagoo xusay in Wasiirka cusub ay la shaqeyn doonaan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Nuur Faarax oo isna munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha gudaha ay ka mid ahayd Wasaaradihii ay la xisaabtanka ku sameeyeen, uuna ku faraxsanyahay in uu goob joog ka noqdo munaasabadda xil wareejinta.

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay mudaddii uu xilka hayay, isagoo howlwadeenada uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyeen, kuna booriyay inay si taa la mid ah ay ula shaqeeyaan Wasiirka cusub.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xusay inay jiraan howlo qabyo u ah Wasaaradda, kuwaasi oo ay ka midtahay dhismaha xaruntii hore ee Wasaaradda oo uu Wasiirka cusub kula dar daarmay in uu dib u dhis ku sameeyo, maadaama Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Turkiga balan qaaday dhismaha xaruntasi.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed “Odowaa” ayaa ugu horeyn Wasiirkii hore uga mahadceliyay waxyaabihii u qabsoomay, isagoo intaa ku daray in uu dar dargelinayo hirgelinta Nidaamka Federaalka ah, dhameystirka mashaariicyada qabyada ah iyo dib u dhiska xaruntii hore ee Wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka dhacay magaalada Guriceel, isla markaana dadkii ka barakacay guryahooda dib loogu celiyo, isagoo hay’adaha samafalka ka codsaday inay gurmad beni’aadanimo la gaaraan bulshada ka barakacday degmada Guriceel.

IMG_2164

IMG_2168

IMG_2172

IMG_2177

IMG_2187

IMG_2223

IMG_2234

IMG_2238

IMG_2267

IMG_2268

IMG_2271

IMG_2275

IMG_2277

IMG_2279

IMG_2324

IMG_2345

IMG_2351

Wasiirka arrimaha gudahaSawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Previous Post

Wasiirka amniga gudaha oo xilka la wareegay.SAWIRRO.

Next Post

MUUQAAL-Wasiirka Warfaafinta”21-ka bishaan waxa ay ku beegantahay ee afka hooyo munaasabad lagu weyneynayo afka hooyo ayaa laqaban doono “Sawirro”

Next Post
MUUQAAL-Wasiirka Warfaafinta”21-ka bishaan waxa ay ku beegantahay ee afka hooyo munaasabad lagu weyneynayo afka hooyo ayaa laqaban doono “Sawirro”

MUUQAAL-Wasiirka Warfaafinta”21-ka bishaan waxa ay ku beegantahay ee afka hooyo munaasabad lagu weyneynayo afka hooyo ayaa laqaban doono “Sawirro”

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In