Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro maanta xilalkooda cusub la wareegay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ay xilalka kula wareegayeen Wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya oo kala ahaa Wasiirada Gaadiidka badda iyo Dekadaha, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamigga iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada taas oo maanta si kala gooni gooni ah ugu dhacday magaalada Muqdisho.

Wasiirada maanta si rasmi ah ula wareegay xilalkooda ayaa kala ah Wasiirka Gaadiidka badda iyo Dekadaha Mudane Muur Faarax Cali, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamigga Mudane C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane C/wali Ibraahim Muudeey, waxayna dhamaantood balan qaadeen in ay shaqada halkeeda ka sii wada doonaa isla markaana u mahadcelinayaan mas’uuliyiintii hore.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

Wasiirada maanta la wareejiyay xilalka Wasaaradaha ayaa waxaa ay sheegeen in ay wax qaban muuqda ka sameeyeen Wasaaradaha isla markaana wax badan u harsan yihiin iyagoo Wasiirada xilalka ugu dambeynaayo kula dardaaramay in ay shaqada dardargeliyaan.

Munaasabadaha ay Wasiiradan xilalka kula wareegayeen ayaa qaarkood waxaa goob joog ka ahaa Hanti dhowrka guud ee Qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Previous Post

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo u kuurgalaya xaaladaha amni ee gobolka

Next Post

kulan looga hadlayay ahmiyadda Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola

kulan looga hadlayay ahmiyadda Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska oo Muqdisho lagu qabtay

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In