Masuuliyiin ka socota maamullada ASWJ, Ximan Xeeb iyo Galmudug ayaa gaaray magaalada Dhuusamreeb si ay uga qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta beelaha gobollada dhexe oo ka socda magaaladaasi.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale, Madaxweyne ku xigeenka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed Suldaan iyo guddoomiyaha goleyaasha ASWJ Ibraahin Xasan Guureeye ayaa lagu soo dhaweeyay madasha shirka ayagoo tilmaamay in ay ka qeyb qaadayaan dadaallada loogu gogol xaarayo maamul loo dhan yahay oo ay sameystaan dadka gobollada dhexe.
Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxman Cali Geeda Qoroow, ayaa sheegay in qof kasta iyo koox kasta oo nabad dooneysa ay ku casuumman tahay magaalada Dhuusamareeb si ay uga qeyb qaadato dadaallada socda ee looga tashanayo aayaha degaanka.
Masuuliyiinta ka socotay ASWJ, Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ayaa si wada jir ah ugu baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Guriceel, isla markaana waqtiga iyo maskaxda la isugu geeyo sidii loo dhisi lahaa maamul dhibaatada ka saara dadka iyo degaankaba.