Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaadkii Ka Dambeeyay Dil Muqdisho Loogu Geystay Sargaal Boliis Ah Iyo Shaqaalihii Saadaasha Hawada Oo La Qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Howlgallada lagu sugayo amaanka caasimadda oo la kordhiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay dhagar qabayaal ka tirsan qaswadayaasha oo barqanimadii maanta Isgoyks Carwo Iidka ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la sheegay in ay ka dambeeyeen dil lagula beegsaday magaalada Muqdisho maalintii Isniintii afar ka tirsan shaqaalaha saadaasha hawada.

Soo qabashada 3-daasi dhagar qabe iyo gaariga ay wateen ayaa ka dambeysay kaddib markii ciidamada si dhaqsa ah ay  kaga hortageen kaddib markii ay dileen sarkaalkaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Baashi taasi oo suura galisay in ay soo qabtaan maleeshiyaadkaasi oo mid ka mid ah ku dhaawacmay rasaasta ciidamada ay kaga hortageen.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Hey’adaha ammaanka ayaa magaalada Muqdisho ugu soo bandhigay saxaafadda maleeshiyaadkaasi iyo gaariga dadka ay ku dhagri jireen oo ahaa gaari Spacio.

Mas’uuliyiinta amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay inay qabteen saddexdaasi   qof oo ka dambeeyay dilalkaasi islamarkaana sharciga la horgeyn doono.

Dhinaca kale Isgoysyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda howgalo ammaanka lagu xaqiijinayo ay sameynayaan Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka, iyadoo maanta uu booqday isgoysyada Muqdisho oo howgaladaasi ay ka socdaan Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo bogaadiyay ciidamada sida ammaanka ay u xaqiijinayaan.

Previous Post

Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Puntland Oo Xukuno Kale Duwan Ku Riday Eedeysanayaal

Next Post

Madaxweyne Xasan: Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa u bilowdey bog cusub oo iskaashi iyo derisnimo wanaag ku saleysan

Next Post
Madaxweyne Xasan: Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa u bilowdey bog cusub oo iskaashi iyo derisnimo wanaag ku saleysan

Madaxweyne Xasan: Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa u bilowdey bog cusub oo iskaashi iyo derisnimo wanaag ku saleysan

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In