Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanki golaha wasiirrada ee maanta oo looga hadlay ammaanka dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.

Kulankan waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sugidda amniga dalka, dagaalka Guriceel iyo sidoo kale dardargalinta howlaha shaqo ee Xukuumadda.

Related posts

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026

Golaha, ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirisaaq Maxamed Cumar, isaga oo uga warbixiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in ciidanka amnigu ay si adag uga jawaabeen dhacdooyinkii caasimadda ka dhacay, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka mid ah kooxihii ka danbeeyay dilalkii ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan qaar kamid ah kooxihii ka dambeeyay dilkii saraakiishii ka shaqaynayay Garoonka Muqdisho, waxaana ay xubnaha Golaha Wasiiradu wada jir uga tacsiyeyeen dadkii ku naf waayay weerardii ugu dambeeyay.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Cumar Carte, ayaa boggaadiyay dadaalka ay sameeyeen ciidamadda ammaanku, waxaana uu sheegay in qorshaha ammaanka wax looga qabanayo uu yahay mid ay ka wada qayb qaadanayaan ciidamada iyo daweynaha Somaliyeed, si looga hor tago khatarta ay la imaan karaan kooxaha nabadiidka ah, wuxuna dhinaca kale mahad celin u jeediyay ganacstada iyo indheer garadka Somaliyeed, ee kala dhex galay dhinacyadii ku dagaalamay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

“Waxaan bogaadin u dirayaa dadkii Soomaaliyeed ee isku howlay in ay kala dhex galaay dhinacyadii ku dagaalamay degmada Guriceel, waxaan rabaa in aan bulshada Soomaaliyeed u xaqiijiyo Ciidanka qaranku inuu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Jabuuti Oo B.weyne Garay B.bartena Booqday Maanta+Sawirro

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ololka uu saameeyay goobo ganacsi oo ku...

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026
0

Wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In