Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanki golaha wasiirrada ee maanta oo looga hadlay ammaanka dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.

Kulankan waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sugidda amniga dalka, dagaalka Guriceel iyo sidoo kale dardargalinta howlaha shaqo ee Xukuumadda.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Golaha, ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirisaaq Maxamed Cumar, isaga oo uga warbixiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in ciidanka amnigu ay si adag uga jawaabeen dhacdooyinkii caasimadda ka dhacay, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka mid ah kooxihii ka danbeeyay dilalkii ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan qaar kamid ah kooxihii ka dambeeyay dilkii saraakiishii ka shaqaynayay Garoonka Muqdisho, waxaana ay xubnaha Golaha Wasiiradu wada jir uga tacsiyeyeen dadkii ku naf waayay weerardii ugu dambeeyay.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Cumar Carte, ayaa boggaadiyay dadaalka ay sameeyeen ciidamadda ammaanku, waxaana uu sheegay in qorshaha ammaanka wax looga qabanayo uu yahay mid ay ka wada qayb qaadanayaan ciidamada iyo daweynaha Somaliyeed, si looga hor tago khatarta ay la imaan karaan kooxaha nabadiidka ah, wuxuna dhinaca kale mahad celin u jeediyay ganacstada iyo indheer garadka Somaliyeed, ee kala dhex galay dhinacyadii ku dagaalamay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

“Waxaan bogaadin u dirayaa dadkii Soomaaliyeed ee isku howlay in ay kala dhex galaay dhinacyadii ku dagaalamay degmada Guriceel, waxaan rabaa in aan bulshada Soomaaliyeed u xaqiijiyo Ciidanka qaranku inuu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Jabuuti Oo B.weyne Garay B.bartena Booqday Maanta+Sawirro

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In