Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MUUQAAL-Madaxweynaha: “Dal ma hormaro ilaa iyo luuqaddiisa la horumariyo mooyaane”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 22, 2015
in Wararka
0
Xuska maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmauud oo ka hadlayay furitaanka munaasabadda maalinta Afka hooyo ayaa sheegay in dal uusan hor mari karin ilaa iyo in luuqadiisa la horumariyo mooyaane.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn mahadcelin u jeediyay Madaxweynaha Jabuuti wanaagga ay Soomaaliya u qabteen, isagoo xusay in shacabka aysan iloobi doonin waxyaabaha ay Soomaaliya u qbateen.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed waxaan Madaxweynaha Jabuuti leeyahay soo dhawoow, waana ku mahadsantantihiin intii aad horumariseen Afka hooyo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay xoogga saari doonto horumarinta Afka Hooyo.

“Dal ma hor maro ilaa iyo luuqaddiisa mooyaane, Afka hooyo haddii aan la horumarinin wuu lumayaa, isticmaalkiisa meesha ayuu ka baxayaa, marka waxaan xoogga saareynaa sidii lagu horumarin lahaa luuqadda Afka Soomaaliga, sida caalamka ay afafkooda u horumariyeen oo kale”.ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga tacsiyadeeyay geeridii dhawaan ku timid Afhayeenkii baarlamaanka ee dalkaasi, isagoo xusay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay uu gacan ka geystay horumarinta afka Hooyo.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay falkii shalay lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, isagoo Alle uga baryay inta ku dhimatay in uu Janada ka waraabiyo, halka kuwa ku dhaawacmayna uu u rajeeyay in uu Alle bogsiiyo.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dhibaatada ay shacabka ku hayaan kooxda Shabaab, isagoo xusay in dowladdu ay sii labo jibaari doonto howlgallada ka dhanka ah kooxda Shabaab.

“Shabaab dalkani dhibaato ayay u geysteen, waxaana ka mid ahayd dowlad la’aan, rafashadiii ugu dambeysay ayay ku jiraan kooxda Shabaab, dolwadduna way baabi’ineysaa inta ka dhiman ee ka hartay kooxdaasi argagixisada ah”.ayu yiri Madaxweynaha.

Previous Post

Akadeemiye Goboleedka daryeelka Afka hooyo oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul-Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay weerarkii shalay “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul-Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay weerarkii shalay “SAWIRRO”

Ra'iisul-Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay weerarkii shalay "SAWIRRO"

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In