Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo hambalyo u direy Ciidammada Asluubta”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo hambalyo u direy Ciidammada Asluubta”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed ku ammaaney sida ay uga soo dhalaaleen hawsha adag ee loo xilsaarey ee dhinacyada difaaca, dhaqancelinta iyo barbaarinta.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabadda xuska sannadguuradii 45aad ee ka soo wareegtey aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtey Xarunta Taliska Ciidammada Asluubta ee magaalada Muqdisho, isagoo hambalyo ku aaddan xuskaasi u direy madaxda,saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee ciidammadaasi.

Related posts

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Asluubta ay sannadba sannadka ka dambeeya sameynayaan horumar la taaban karo, iyadoo lagu jiro xaalad adag.

“Ciidanka Asluubta waxay qeyb ka yihiin ciidammada qaran ee aan leenahay ee aan ku faanno. Waxay si xilkasnimo ah uga soo baxeen waajibaadkooda, iyagoon helin taageero ku filan oo ay hawshooda ku gutaan,is-xilqaankooda ayaa keenay in maanta ay halkan ku soo bandhigaan cutubyo si wanaagsan loo tababarey oo diyaar u ah gudashada waajibaadkooda, iyo weliba inay awoodeen inay iibsadaan gawaari cusub oo shaqada ciidammada lagu fuliyo.

Waa talaabo ku dayasho mudan oo aan filayo in qeybaha kale ee ciidammada ay ku dayan doonaan”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda intii karaankeeda ay taageero buuxda oo dhan kasta ah u fidin doonto Ciidammada Asluubta.

Waxaa uu madaxweynaha intaa ku darey inuu rajeynayo in mustaqbalka dhow ay Ciidammada Asluubta dib u hawlgelin doonaan mashaariicdii horey looga bartey sida warshadaha wax soo saarka, beeraha, xarrumaha agoonta iyo kuwo kale.

Madaxweynaha ayaa khudbada ka hor salaan sharaf ka qaatey cutubyo ka tirsan Ciidammada Asluubta, waxaan munaasabadda ka soo qeybgaley Wasiirka Gaashaandhigga S/Guuto Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini,taliyeyaasha ciidammada qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

1

3

4

5

6

7

8

Previous Post

Madaxweynaha oo qaabiley Danjiraha Netherlands ee Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In