Wednesday, August 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbitaalka Weyn ee Koofurta Galkacyo oo maalintii Sadaxaad ay ka socdaan howlo indha fiiqis lacag la’aan ah “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 25, 2015
in Wararka
0
Isbitaalka Weyn ee Koofurta Galkacyo oo maalintii Sadaxaad ay ka socdaan howlo indha fiiqis lacag la’aan ah “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isbitaalka Alnuur iyo Hay’adda AlBasar ayaa maalintii Sadaxaad ka wada isbitaalka weyn ee koofurta Galkacyo howlo isugu jira indha fiiqis iyo daweeynta cudurada ku dhaca indhaha oo lacag la’aan ah

Dr C/risaaq Axmed Dalmar madaxa isbitaalka Alnuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in indha fiiqista iyo daaweynta cudurada ku dhaca indhaha ee ka bilaabatay isbitaalka koofurta Galkacyo ay tahay mid ay iska kaashanayaan fulinteeda isbitaalka Alnuur iyo Hay’adda AlBasar isla markaana ay socon doonaan muddo 7 cisho ah

Related posts

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

August 5, 2025
Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS iyo Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS iyo Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi

August 5, 2025

Dr Dalmar ayaa sidoo kale sheegay in sadaxdii maalmood ay socdeen howlahaan ay ka fiideeysteen ilaa 2500 laba kun iyo shan boqol oo ruux kuwaasi oo isugu jiray indha fiiqis iyo daweeyn

Dadka ka faa’ideeystay daweeynta iyo indha fiiqista lacag la’aantaa oo uu badnaa dad danyar iyo waayeel isugu jira kana kala yimid deegaanada Goballada dhaxe ee dalka iyo deegaano ka tirsan kuwa dhulka ismaamulka soomaalida itoobiya ayaa dhamaantood uga mahad celiyay isbitaalka Alnuur iyo hay”adda AlBasar ee iyagu barnaamijkaan fulinayay iyo Maamulka Galmudug oo qeyb weyn ka qaatay sugida Amaanka isbitaalka iyo ilaalinta muwaadiniinta soomaaliyeed ee ka kala yimid deegaanada ka baxsan kuwa maamulka Galmudug

Mareeye Ku xigeenka Garoonka Diyaarada Magaalada Galkacyo Mudane C/raxmaan Warsame Maxamed oo ka mid ahaa dadkii ka faa’iideeystay Mashruucaan oo la hadlay xafiiska warqabadka warbaahinta Qaranku ay ku
leedahay Gobalka Mudug ayaa sheegay in mashruucaani uu yahay mid wax weyn u taraya bulshada soomaaliyeed maadaama indhuhu ay ka mid yihiin xubnaha ugu qaalisan kuwa bini aadamka la’aantoodna ay adag tahay in
qofku uu wax qabsado isagoona uga mahad celiyay isbitaalka Alnuur iyo Hay’adda AlBasar mashruucaan ay sida tabarucaadkaa ugu qabanayaan ummadda soomaaliyeed isagoo sidoo kalana Maamulka Galmudug ku aamaanay
kaalinta ay ka qaateen in si nabad ah ay usocoto howshaani iyo sidii loo imaan lahaa taasoo uu xusay in haddii Galmudug aysan xil iska saari laheeyn xaqiijinta Amaanka aysan suurta Gal noqan laheeyn in la yimaado

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Galmudug Axmed Cumar Maxamuud oo isna la hadlay warbaahinta xilli uu kormeer ku tagay isbitaalka koofurta Galkacyo oo mashruucaani uu ka socday ayaa sheegay in ay gacan ka siin
doonaan muddada uu socdo ka wasaarad ahaan wixii ay awoodaan

44 65 93 116 132 133 214 311

Previous Post

Madaxweynaha oo casho sharaf u sameeyay xubnaha Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga

Next Post

Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweysay magacaabista safiirka Mareykanka ee Soomaalia

Next Post
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola

Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweysay magacaabista safiirka Mareykanka ee Soomaalia

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

August 5, 2025
0

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya ayaa safar shaqo iyo aqoon kororsi ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,...

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS iyo Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS iyo Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi

August 5, 2025
0

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka, Qoyska iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdiga Safiirka Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdiga Safiirka Midowga Yurub

August 5, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la kulmay wafdi ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

August 5, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In