Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo casho sharaf u sameeyay xubnaha Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo casho sharaf u sameeyay xubnaha Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

25 Febraayo 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley xarunta madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay xubnaha Akademiyad Goboleedka Cusub ee Afka Soomaaliga oo dhowaaan xarunteeda la dhagax dhigey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku ammaaney aqoonyahannada xubnaha ka ah Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee ka kala socdey Soomaaliya, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya, sida ay ugu heelan yihiin inay sare u qaadaan dhaqanka iyo Afka Soomaaliga, isagoo xusey in shaqada haatan la qabtaa iyo horumarka laga sameeyo intaba ay waxtar weyn u yeelan doonaan jiilka soo socda.

Related posts

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026

“Afka Soomaaliga waa in horumarkiisa la gaarsiiyaa heer lagu adeegsan karo tiknoloojiyadda, sayniska, iyo culuunta kala duwan. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay yiraahdaan Afka Soomaaliga kuma habboona in culuunta qaar lagu dhigo. Taasi sax ma ahan waayo afafka aanu u naqaano inay hormareen, waxaa ka shaqeeyay oo heerkaasi gaarsiiyey dadkii lahaa, anagan haddan si hufan ugu kacno afkeena iyo dhaqankeenna waxaan dhaxal wanaagsan uga tegeynaa jiilka soo socda. Soomaaliya iyo Djibouti si buuxda ayay gacan uga geysanayaan maalgelinta dhismaha xaruntan, cusuba, sidoo kale waxaan doonaynaa in degaannada Soomaalida ee Ethiopia iyo Kenya ay iyaguna talaabo taa la mid ah qaadaan, si xubin kasta uu u dareemo lahaanshaha akademiyaddan cusub”.

Madaxweynaya ayaa sidoo kale ka hadley doorka bulshada qurbajoogta Soomaalida ay ka qaadan karaan dib u dhiska iyo xasilinta dalka, isagoo sheegay in la joogo waqtigii ay soo laabana lahaayeen si ay dalkooda wax ugu qabtaan.

‘’Dalka horumar ayuu sameynayaa, wax bandanna waa dhimman yihiin. Dadka weli dibedda inaga jooga waxaan ku dhiirigelinaya inaysan sugin in dalkan uu iskii iska hagaago oo ay yimaadaan, kaalintoodana ka cayaaraan sidii waddanka loo xasilin lahaa, loona horumarin lahaa. Wax badan ayay qurbajogta qabteen oo dalka dan u ah, hase yeeshee dadaalkaasi in la kordhiyo waa lagama maarmaan,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley kheyraadka kala duwan ee Ilaahay ku maneystey Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatey shidaalka oo uu sheegay in mustaqbalka dhow ay shacabka Soomaaliyeed ka faa’ideysan doonaan.

‘’Kheyraadka waxaa leh muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan. Shidaalka Muqdisho laga soo saaro waxaa wax ku leh Soomaalida ku dhaqan gobollada kala duwan ee dalka. Si la mid ah kheyraadka meelaha kale ee dalka ku jira, iyana Soomaali oo dhan ayuu ka dhexeeya. ’’

Waxaa uu sheegay in weli aaney jirin sharciyo rasmi ah oo lagu maamulayo qodista iyo wax soo saarka shidaalka, balse la sameyn doono sharciyo ku meel gaar ah inta laga helayo sharciyo dhameystiran.

Munaasabbadan waxaa isna ka hadley Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke. Waxaa iyana halkaasi hadalo ka jeediyay qaar ka mid ah aqoonyahannada Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga oo madaxweynaha ku ammaaney doorka hoggaamineed ee u ka qaadanayo horumarinta dhaqanka iyo Afka Soomaaliga.

DHAMMAAD

Previous Post

Shirkii Af Soomaaliga ee Muqdisho ka socday oo Maanta la soo xiray

Next Post

Isbitaalka Weyn ee Koofurta Galkacyo oo maalintii Sadaxaad ay ka socdaan howlo indha fiiqis lacag la’aan ah “Sawirro”

Next Post
Isbitaalka Weyn ee Koofurta Galkacyo oo maalintii Sadaxaad ay ka socdaan howlo indha fiiqis lacag la’aan ah “Sawirro”

Isbitaalka Weyn ee Koofurta Galkacyo oo maalintii Sadaxaad ay ka socdaan howlo indha fiiqis lacag la'aan ah "Sawirro"

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir madaxeedka Africa Forward Summit, oo qayb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo...

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

May 12, 2026
0

Xeebta Baraawe waxay xambaarsantahay saakay muuqaal ka hadlaya nolol, halgan iyo rajo. Wiil yar oo garanaya qiimaha nolosha ayaa badda...

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In