Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

La heystayaal udhashay Dalka Thailand oo maanta laga dhoofiyay Galkacyo “Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
La heystayaal udhashay Dalka Thailand oo maanta laga dhoofiyay Galkacyo “Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ajaanibtaan oo ahaa ilaa iyo 4 nin oo ka mid ahaa ajaanib farabadan oo ay kooxo burcad badeed ahi afduub ugu heystaan deegaano ka tirsan Gobalka Mudug ayaa duhurnimadii maanta laga dhoofiyay Garoonka  diyaaradaha OSHACO ee magaalada Galkacyo kadib markii maasuuliyiin ka tirsan Galmudug oo gacan ka helayay Hay’adda ladagaalanka dambiyada
iyo daroogada uqaabilsan qaramada midoobay ee UNODC ay ku guuleeysteen dadaalo dheer iyo wada xajood ay la galeen kooxihii heystay in ay soo daayaan

Afartab udhashay dalka Thailand ayaa gacanta burcad badeed Soomaaliyeed ku jiray 4sano iyo 10bilood oo ay ku heysteen deegaano hoostaga deegaanka Garacad iyo Dagmada xaradheere ee Gobalka Mudug.

Related posts

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026

Ajaanibtaan ayaa waxaa garoonka diyaardaha OSHACO ee Magaalada Galkacyo ka qaaday diyaarad qaas ah oo ay leeyihiin qaramada midoobay taasoo ay la socdeen saraakiil ka socatay Hay’adda ladagaalanka dambiyada iyo daroogada uqaabilsan qaramada midoobay ee UNODC safiirka dowlada Thailand ufadhiya Dalka Kenya iyo qaar ka mida ehelada 4tan ruux ee ay burcad badeedu mudada dheer xaqdarada ku heysteen.

Agaasimaha xafiiska  la dagaalanka Burcad badeeda Dowlad Gobaleedka Galmudug Abuukaate Cumar Sheekh Cali oo isagu ka mid ahaa masuuliyiintii kaalinta weyn ka qaatay in ajaanibtaan  ay xoriyadooda helaan ayaa sheegay xilli uu warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka OSHACO ee magaalada Galkacyo ka hor intii aysan ka ambabixin Ajaanibtaan udhashay Dalka Thailand ee waqtiga dheer afduubka loo heysta. in ay ugaleen dadaal dheer masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug xafiiska xafiiska  la dagaalanka Burcad badeeda maamulka  Galmudug iyagoo kaashanayay Hay’adda ladagaalanka dambiyada iyo daroogada uqaabilsan qaramada midoobay ee UNOD.

Wuxuu xusay dhibaatooyin iyo caqabado farabadan ay kala kulmeen intii ay socdeen howlaha lagu raadinayay in ajaanibtaan ay helaan xoriyadoodii kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in dhowr jeer lagu weeraray meelo ku dhaw dhaw deegaanka camaara ee gobalka mudug oo dadkaasi lagu heystay labadii sano ee udanbeeysay.

Wasiirka wasaarada kaluumeysiga kheyraadka Badda iyo dakadaha Galmudug C/qaadir Cali Jaamaca Qalabxoor oo isna sidoo kale kula hadlay warbaahinta Garoonka ayaa sheegay in aysan marnaba suurta gal noqan laheyn in ajaanibtaan ay xoriyadooda helaan kadib 4sano iyo 10 bilood oo ay ku jireen gacanta kooxo burcad badeed ah haddii aysan gacan ku siin laheyn Hay’adda ladagaalanka dambiyada iyo daroogada uqaabilsan qaramada midoobay ee UNODC isagoo dhinaca kalana ka codsaday Hay’adaasi in ay ka gacan siiyaan Galmudug dhismaha xabsiyo iyo saldhigyo lagu hayo dhalinyaradaka tirsan  kooxaha biurcad badeeda marka lasoo qabto maadaama Galmudug aysan xiligaan ku oolin saldhigyo iyo xabsiyo waaweyn oo lagu hayo maxaabiista.

Inkastoo masuuliyiinta Galmudug iyo kuwa xafiiska la dagaalanka burcad badeeda Galmudug aysan sheegin wax lacag madaxfurasha ah oo la siiyay kooxihii burcad badeedaa ee afduubka u heystay 4tan ruux ee udhashay Dalka Thailand ayaa haddana wararka qaarkood ee laga helayo deegaanadii lagu heystay ajaanibtaan waxa ay sheegayaan in kooxihii
burcad badeeda ahaa la siiyay lacag madax furasha ah oo Gaareeysa ilaa 400’000$ Afar Boqal oo kun oo doolar.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed

Sawirqaade C/risaaq Maxamed Axmed 

Previous Post

Wasaaradda amniga oo ka hadashay qaraxyo dheemish ah oo lagu qal qal gelinayo amaanka (War-saxafadeed)

Next Post

HA QARSAN DAMBIILAHA!!! “WAA FAALO XIISO BADAN”

Next Post
HA QARSAN DAMBIILAHA!!! {WAA FAALO XIISO BADAN}

HA QARSAN DAMBIILAHA!!! “WAA FAALO XIISO BADAN”

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In