Thursday, April 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Liverpool iyo Tottenhma oo Ka Haray Koobka Europa League-ga iyo Everton oo Soo Baxday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Liverpool iyo Tottenhma oo Ka Haray Koobka Europa League-ga iyo Everton oo Soo Baxday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Liverpool oo ka socotay dalka ingiriiska ayaa ka hartay koobka labaad ee qaarada yurub ee Europa League-ga,ka dib markii ay kooxda Besiktas ee dalka turkiga uga badisay rigoorayaal 4-5 ah.

Kooxda Liverpool ayaa kulankii hore ee ka dhacay garoonkeeda Anfield waxa ay ku soo badisay 1-0.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Kooxda Besiktas ayaa caawo garoonkeeda Ataturk Olympic Stadium 1-0 uga badisay kooxda Liverpool,waxaana ciyaarta lagu daray 30-daqiiqo oo dheeraad ah labada kooxoodna wax gool ah iska dhalin sodonkii daqiiqo oo lagu daray ciyaarta,waxana ay ku kala baxeen gool ku laad ama rigoorayaal.

Kooxda Besiktas ayaa wareega 16-ka ugu soo gudubtay rigoorayaal 5-4 ah.

Ciyaaryahan Dejan Lovren ayaa rigooradii ugu dambeysay ka qasaariyay kooxdiisa Liverpool.

Kooxda Tottenham ayaa sidoo kale ka hartay koobka labaad ee qaaraada yurub ee Europa League-ga,ka dib markii ay kooxda Fiorentina ee dalka talyaaniga ay 2-0 uga badisay.

Kooxda Fiorentina ayaa waxaa labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Mario Gomez iyo Mohamed Salah.

Kooxda Fiorentina ayaa isku celcelis ahaan wareega 16-ka ugu soo baxday 3-1.

Kooxda Everton ayaa soo baxday wareega labaad ee koobka Europa League-ga,ka dib markii ay caawo garoonkeeda goodison Park 3-1 uga badisay kooxda Young Boys Bern oo ka socotay dalka Swisserland.

Ciyaaryahan Romelu Lukaku ayaa labo ka mid ah goolasha u dhaliyay kooxda Everton,halka goolka kale uu u dhaliyay ciyaaryahan Kevin Mirallas.

Kooxda Everton ayaa isku cel celis ahaan 7-2 ugu gudubtay wareega 16-ka ee koobka Europa League-ga.

Hadaba Hoos ka Akhriso kooxaha kale ee u soo baxay wareega 16-ka ee koobka Europa League-ga.

Inter Milan-Itlay

Sevilla – Spain

Villarreal-Spain

Ajax-Nederland

Dinamo Moscow-Russia

Dynamo Kiev-Ukraine

Zenit St. Petersburg-Russia

Napoli-Itlay

Wolfsburg-Germany

Roma-Itlay

Club Brugge-Belgium

FC Dnipro-Ukraine

Torino-Itlay

Previous Post

Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Booqasho Ku Jooga Dalka Jarmalka “SAWIRRO”

Next Post

Chelsea oo Heshiis Shan Sano ah La Saxiixatay shirkada Yokohama Rubber Company Ltd “Sawirro”

Next Post
Chelsea oo Heshiis Shan Sano ah La Saxiixatay shirkada Yokohama Rubber Company Ltd “Sawirro”

Chelsea oo Heshiis Shan Sano ah La Saxiixatay shirkada Yokohama Rubber Company Ltd “Sawirro”

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In