Barnaamijka kulanka todobaadka oo ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa loogu falanqeeyay sida loo horumarin karo afkeena hooyo iyo Akadeemiyad goboleedka ay dhagax dhigeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti.
Barnaamijka ayaa waxaa ka qeybgalay aqoonyahano ay ka mid ahaayeen Axmed Faarax Cali “Idaajaa” Cabdalla Cumar Mansuur, Siciid Saalax Axmed, C/rashiid Maxamed Ismaaciil, Khaalid Macoow C/qaadir, iyo Xaashi Cabdulaahi Orax.
Aqoonyahannada oo booqday Keydka Radio Muqdisho ayaa ka dooday waxyaabaha ay ku soo arkeen Keydka hadalka ee Radio Muqdisho, iyo kaalinta uu ka qaadan karo horumarinta afka hoosyo.
Sawir-qaade Farxaan Suleyman Daahir