Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil Ka Tirsan Midowga Yurub oo Nairobi uga Hadlay uu Marayo Howlgalka Lagu Tababarayo Ciidamada Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 27, 2015
in Wararka
0
Saraakiil Ka Tirsan Midowga Yurub oo Nairobi uga Hadlay uu Marayo Howlgalka Lagu Tababarayo Ciidamada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka midowga yurub u qaabilsan soomaaliya Michele Cervone d’Urso oo ay dhinacyada ka fadhiyeen taliyaha xilka wareejinaya ee howlgalka midowga yurub u qaabilsanaa tababaridda ciidamada Soomaaliya Bridg Gen Massimo Mingaradi iyo taliyaha cusub ee xilka la wareegaya Bridg gen Antonio Maggi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay halka u marayo howgalka ay midowga yurub ku tababarayaan kuna qalabeynayaan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Taliyaha xilka wareejinayo ee howlgalka midowga yurub u qaabilsanaa tababaridda ciidamada dowlada Soomaaliya Bridg Gen Massimo Mingaradi ayaa sheegay in laga soo bilaabo bishii February ilaa bishii December ee sanadkii 2014 ay dowlada Soomaaliya xerada Jazira ee duleedka magaalada muqdisho ku tababareen ciiidamo gaaraya ilaa 1400 oo askari,islamarkaana ay sanadkan 2015 tababari doonaan 1000 kun sarkaal kuwaasi oo awood u yeelan doono mustaqblka ay tababaraan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Bridg Gen Massimo Mingaradi ayaa sheegay in howlgalka midowga yurub ay ku tababarayaan ciidamada dowlada Soomaaliya uu dhamaan doono sanadka 2016,isagoo ay sheegay in howlgalkan oo soo bilowday sanadkii 2010 ay rajeynayaan in ay dowlada Soomaaliya ugu tababaraaan ciidamo gaaraya ilaa 7 kun oo askari.

Bridg Gen Massimo Mingaradi ayaa u mahad celiyay 12-toban wada oo ka tirsan midowga yurub,kuwaasi oo ka qeyb daadanaya howlgalka ay midowga yurub ku tababarayaan ciidamada dowlada Soomaaliya.

“Waa guuleystay howgalka ay midowga yurub ku tababarayaan ciidamada dowlada Soomaaliya,marka laga eego dhanka siyaasadda iyo militariga”Ayuu yiri Bridg Gen Massimo Mingaradi.

Ugu danbeyntii safiiirka midowga yurub u qaabilsan soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in midowga yurub ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan dowlada Soomaaliya iyo tababaridda ciidamada dowlada Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan in ay la wareegaan ammaanka guud ahaan dalka Soomaaliya.

“Sanadkii la soo dhaafay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya waxa ay Al-shabaab ka xoreeyeen magaalooyin badan,lakiin sanadkan waxaa loo baahanyahay in horumar la sameeyo”Ayuu yiri Ambassador Michele Cervone d’Urso.

Howlgalka ay midowga yurub ku tababarayaan ciidamada dowlada Soomaaliya oo soo bilowday sanadkii 2010 ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo bisha December ee sanadka 2016.

Previous Post

Barnaamijka kulanka Todobaadka oo looga hadlay horumarinta Afkeenna Soomaaliga (Dhageyso+Sawirro)

Next Post

Carruur uu soo ritay cudurka Jadeecada oo la gaarsiiyay Isbitaalka Beledweyne

Next Post
Carruur uu soo ritay cudurka Jadeecada oo la gaarsiiyay Isbitaalka Beledweyne

Carruur uu soo ritay cudurka Jadeecada oo la gaarsiiyay Isbitaalka Beledweyne

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In