Saturday, November 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Ammaanka Oo Ka Hortagay Weerar Argagaxisada Ay Ku Doonayeen In Ay Ku Dhibaateeyaan Dadka Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Ammaanka Oo Ka Hortagay Weerar Argagaxisada Ay Ku Doonayeen In Ay Ku Dhibaateeyaan Dadka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya ayaa ka hor tagay weerar kooxda argagaxisada Al Shabaab ay ku doonayeen in ay ku qal qal galiyaan ammaanka, waxaana ciidamada oo ku sugan degmada Hodan gaar ahaan Isgoyka Al Baraka oo ku guda jira howlahooda caadiga ah fashiliyay weerarkaasi oo ay ku doonayeen in ay u adeegsadaan gaari ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

Ciidamada oo ku sugnaa isgoyskaasi islamarkaan ku guda jiray sugida amniga ayaa waxaa soo istaagay halkaasi gaari ay wateen dhagar qabayaal ka tirsan argagaxisada inkastoo halkaasi ay isaga carareen kaddib markii ay arkeen sida ciidamadu ay u feejigan yihiin, waxaana ciidamadu ay ceersadeen dhagar qabayaashaasi oo aakhirkii ku qarxiyay gaariga agagaarka Xaafadda MBC Degmada Hodan kaddibna isaga cararay.

Related posts

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

November 28, 2025
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 28, 2025

Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir C/qaadir Cali Kulane oo goor dhow la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu u dhacay howlgalkaasi, isagoo sheegay in howlgalkaasi lagu guuleystay islamarkaana ciidamada si dhaqse leh ay kaga hortageen isku daygaasi dhagaraqabayaasha ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa sheegay kaddib markii dhagar qabayaasha oo watay gaari waxyaaba qarxa ay ka soo buuxiyeen ay arkeen ciidamada ay isku dayeen in Isgoyka Al Baraka Ay ka baxsadaan ayaa ciidamada si dhaqse leh kaga daba tagay wadadii ay ku carareen taasi oo suura galisay in dhagar qabayaasha markii ay arkeen in ciidamada ay ku raad joogaan qarxiyay gaariga, iyadoo dhagar qabayaasha oo sedex ahaa uu midba meel u cararay oo mid ka mid ah ciidamada ay dileen halka mid kalena ay dhaawaceen inkastoo midka kale weli ciidamada ay ku raad joogaan.

Previous Post

Kooxaha Manchester United,Swansea,West Brom,Stoke iyo Newcastle oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Next Post

Barcelona oo Ka Adkaatay Kooxda Granada “SAWIRRO”

Next Post
Barcelona oo Ka Adkaatay Kooxda Granada “SAWIRRO”

Barcelona oo Ka Adkaatay Kooxda Granada “SAWIRRO”

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

November 28, 2025
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in 600...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 28, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In