Saturday, June 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Ammaanka Oo Ka Hortagay Weerar Argagaxisada Ay Ku Doonayeen In Ay Ku Dhibaateeyaan Dadka Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Ammaanka Oo Ka Hortagay Weerar Argagaxisada Ay Ku Doonayeen In Ay Ku Dhibaateeyaan Dadka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya ayaa ka hor tagay weerar kooxda argagaxisada Al Shabaab ay ku doonayeen in ay ku qal qal galiyaan ammaanka, waxaana ciidamada oo ku sugan degmada Hodan gaar ahaan Isgoyka Al Baraka oo ku guda jira howlahooda caadiga ah fashiliyay weerarkaasi oo ay ku doonayeen in ay u adeegsadaan gaari ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

Ciidamada oo ku sugnaa isgoyskaasi islamarkaan ku guda jiray sugida amniga ayaa waxaa soo istaagay halkaasi gaari ay wateen dhagar qabayaal ka tirsan argagaxisada inkastoo halkaasi ay isaga carareen kaddib markii ay arkeen sida ciidamadu ay u feejigan yihiin, waxaana ciidamadu ay ceersadeen dhagar qabayaashaasi oo aakhirkii ku qarxiyay gaariga agagaarka Xaafadda MBC Degmada Hodan kaddibna isaga cararay.

Related posts

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026

Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir C/qaadir Cali Kulane oo goor dhow la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu u dhacay howlgalkaasi, isagoo sheegay in howlgalkaasi lagu guuleystay islamarkaana ciidamada si dhaqse leh ay kaga hortageen isku daygaasi dhagaraqabayaasha ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa sheegay kaddib markii dhagar qabayaasha oo watay gaari waxyaaba qarxa ay ka soo buuxiyeen ay arkeen ciidamada ay isku dayeen in Isgoyka Al Baraka Ay ka baxsadaan ayaa ciidamada si dhaqse leh kaga daba tagay wadadii ay ku carareen taasi oo suura galisay in dhagar qabayaasha markii ay arkeen in ciidamada ay ku raad joogaan qarxiyay gaariga, iyadoo dhagar qabayaasha oo sedex ahaa uu midba meel u cararay oo mid ka mid ah ciidamada ay dileen halka mid kalena ay dhaawaceen inkastoo midka kale weli ciidamada ay ku raad joogaan.

Previous Post

Kooxaha Manchester United,Swansea,West Brom,Stoke iyo Newcastle oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Next Post

Barcelona oo Ka Adkaatay Kooxda Granada “SAWIRRO”

Next Post
Barcelona oo Ka Adkaatay Kooxda Granada “SAWIRRO”

Barcelona oo Ka Adkaatay Kooxda Granada “SAWIRRO”

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta ka guddoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta bilaabay diiwaangelinta iyo qabashada araajida musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa khudbad rasmi ah ka...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo hubkii sharci-darrada ahaa ee ay wateen maleeshiyaadkii soo weeraray Degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In