Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday loo soo gabo gabeeyay siminaar ku saabsan hal abuurnimada “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Arday loo soo gabo gabeeyay siminaar ku saabsan hal abuurnimada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaamacadda Jazeera iyo Jimciyadda Asal ayaa siminaar lagu baranayay hal’abuurnimada ugu soo gabo gabeeyay xarunta 3-aad ee Jaamacadda 250 arday oo ka mid ah ardayda dugsiyada sare ka soo qalin badalanaysa sanadkan.

Siminaarkan oo galay wajigiisii 2-aad, isla markaana socday muddo labo todobaad ah ayaa ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay sidii ardayda Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan u noqon lahaayeen kuwa fikira oo hal’abuur cusub layimaada, si ay uga qeyb qaataan horumaka dalka.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

January 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026

Pro. Cabdirisaaq Maxamed Xaashi oo ah gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Jazeera ahaana barihii bixinayay casharada simanaarka ayaa ku booriyay ardayda iney layimaadaan hal’abuur cusub si horumar ballaaran ay u gaarto Bulshada.
Sidoo kale Pro. Xaashi oo ku dheeraaday ahmiyadda uu u leeyahay hal’abuurku guud ahaa bulashada Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda oo ah kuwa ugu badan oo laga doonaayo iney layimaadaan hal’abuur waxtar wanaagsan u leh guud ahaan Diinta, Dadka & Dalka ayaa xusay in ay joogteyn doonaan siminaarada nuucaani oo kale ah.

Ugu dambeyn Gudoomiye ku-xigeenka xiriirka bulshada ee Ururka Mideynta & Horumarinta Ardayda Afka Soomaaliga ku hadasha ee Asal Ibraahim Maxamed Nuur ayaa sheegay in Jaamacadda Jazeera ay ahayd Jaamacaddii ugu horeysay ee gacan weyn ka siisa Jimciyadda Asal qabsoomidda siminaarada waxtarka u leh ubadka Soomaaliyeed ee waxbarashada u hamuun qaba, isagoo u mahadceliyay madaxda iyo maamulka Jaamacadda.

Dhinaca kalana waxaa uu gudomiye ku-xigeenku tilmaamay iney ardaydu aad uga faa’iideystaan marwaliba fursadaha wacyigalineed ama lagu horumarinayo garaadka maskaxeed, iyagoo ballan qaaday ardaydu ay ka faa’iideysan doonaan siminaaradaan nuucaani oo kale ah.

1

2

3

4

5

6

7

8

Previous Post

Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato

Next Post

Markab Lo’ siday oo ku quusey Xeebaha dalka Cumaan

Next Post

Markab Lo' siday oo ku quusey Xeebaha dalka Cumaan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Somalia Welcomes East African Court of Appeal Decision on EALA Representation

January 20, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia welcomes the decision of the East...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

January 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa go’aanka Maxkamadda Rafcaanka Bariga Afrika ee 19...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u furay shir...

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026
0

Guddiga Amniga iyo Taakulaynta Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta booqday deegaanka Jabad Godane, halkaas oo maalintii shalay cashar loogu dhigay Khawaarijta....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In