Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda iyo hay’adaha samafalka oo laga codsaday inay gurmad u fidiyaan Qoysaska ka barakacay Guriceel

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Siihayaha Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda oo la kulmay waxgarad  Guriceel kunool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka gobalka galgaduud ayaa dowlada Somaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo dadkii dhawaan ka barkacay degmada Guriceel ee gobalkaasi, kuwaasoo duruufo nololeed ay xiligani heysato.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo aqoonyahanada ku nool gobolka Galgaduud oo ka hadlayay dhibaatada haysata dadkii ku barakacay deegaannada hoostaga Degmada Guriceel ayaa sheegay inay jirto xaalado nolol xumo oo haysata qoysaskii ay saameeyeen shaqaaqo dhawaan halkaasi ka dhacday.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026

Dadkan ayaa waxa ay codsadeen in kaalmo beni’aadanimo lala soo gaaro qoysaska ay mashaqadu ku habsatay, gaar ahaan dadkii ku barakacay dagaaladaasi.

Waxgaradka ayaa si wada jir ah u sheegay: “Waxaan ugu baaqaynaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka inay kaalmo soo gaarsiiyaan qoysaska ay dhibaatada ku haysato deegaannada loo barakacay, meelaha qaar xaalado beni’aadanimo oo aad u liidata ayaa laga soo sheegayaa, waxaana codsaneynaa in kaalmo lala soo gaaro dadkani”

Mas’uul ka tirsan maamulka Gobolka oo isna la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in xaalado nololeed ay haysato qoysaska ka barakacay Guriceel, isagoo baaq u jeediyay bulshada qeybaheeda kala duwan si gurmad loogu fidiyo qoysaska barakacayaasha ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

DAAWO: Warbixin ku saabsan cabsida soo food saartay horjoogaha kooxda Shabaab

Next Post
Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda

DAAWO: Warbixin ku saabsan cabsida soo food saartay horjoogaha kooxda Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026
0

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah...

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
0

Bulshada Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, taas oo ka...

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026
0

Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In