Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale oo lagu soo dhaweeyay Boosaaso (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale oo lagu soo dhaweeyay Boosaaso (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ”Qaaddiid” ayaa maanta lagu soo dhaweeyay degmada Carmo oo ka tirsan Gobalka Bari, halkaasoo markii danbe uu kulan kula qaatay mamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Carmo.

Kulankan oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa waxaa laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo la xariira dhibaatooyinka uu qaadku ku hayo shacabka soomaaliyeed,waxana sidoo kale goobta ka hadlay dhowr qof oo horey qaadka u cuni-jiray kuna dhawaaqay inay ka baxeen cunista qaadka iyo ka ganacsigiisa.

Related posts

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026

Duqa Carmo Maxamed Cali Shire ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay Olalaha la-dagalanka Qaadka ee uu Abuukar Cawaale ka wado deegaanadda Puntland, wuxuna sheegay Shire inay ka go’antahay sidii dadka looga wacyi galin ahaa khataraha  uu qaadku sababo oo ay ka mid yihiin bur-burinka qoyska iyo dib u dhac ku yimaada nolasha dadka.

Qaar ka mid ah haweenka iyo Odayaasha Carmo oo kulankan ka hadlay ayaa ajiibay fariinta la-dagalanka qaadka, waxeyna balan ku qaadeen inay inta awoodooda ah dadka ka wacyi galin doonana isla markasna u sheegi doonaan dhibaatooyinka uu xambaarsan yahay.

Abuukar Cawaale Qaaddiid ayaa u mahad celiyay maamulka iyo shacabka Carmo,wuxuna sheegay inay aad u farxad galinayso dadkii goobta kaga dhawaaqay inay joojnayaan cunista qaadka kuwaasoo qaarkood cunayay in ka badan 20-sano, sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay qaad faro badan oo isla goobta lagu gubay, taasoo tusaale u ah sida shacabka Carmo u diidanyihiin ka ganacsiga iyo cunista qaadka.

Intaasi ka dib wafdiga Qaaddiid ayaa u soo kacay dhanka magaalada Boosaaso, waxana duleedkeeda ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socda Jaamacadda Bariga Africa Boosaaso, Mu’asasada Al-Minjaah,Shirkadda isgaarsiinta Golis iyo Ardayda Jaamacadda Bariga Africa.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Bariga Africa, Shiikh Maxamed Maxamuud Ciise, Gudoomiyaha Al-Minhaaj Bari, mas’uuliyiin ka socday Golis ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin Imaanshaha Qaaddiid ee magaalada Boosaaso, dhanka kale waxey tilmaameen inay garab taaganyihiin Olalaha la-dagalanka Qaadka oo hada ka bilowday Puntland.

Shirar kala duwan oo looga hadlayo aafooyinka Qaadka ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 30 31 32 33 34 35

Previous Post

Kooxaha Southampton iyo Aston Villa oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Next Post

Dar dargelinta Hiigsiga cusub oo laga hadlay

Next Post
Dar dargelinta Hiigsiga cusub oo laga hadlay

Dar dargelinta Hiigsiga cusub oo laga hadlay

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-The Federal Government of Somalia reaffirms its full respect for the constitutional rights of citizens to peaceful assembly, expression,...

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Musharrax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan XFS ayaa ka codeeyay magaalada...

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Shacabweynaha deegaannada Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah saakay uga bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golaha...

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta loo asteeyay, si ay uga qayb galaan doorashada golayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In