Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dar dargelinta Hiigsiga cusub oo laga hadlay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Dar dargelinta Hiigsiga cusub oo laga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa saaka shir gudoomiyey kulan looga arinsanayey dar dargalinta barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal) kaas oo soo bilowday bishii September 2013.

Shirkaan ayaa waxaa isugu yimid safiirada qaar ka mid deeq bixiyayaasha, Wakiilo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Agaasimaha u qaabilsan dowladda arrimaha New Deal-ka iyo La taliyayaasha Ra’iisul Wasaaraha.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga mudane Cabdiraxman Caynte ayaa oo saxaafada uga warbixiyey waxyaabihii looga hadalya shirka, wuxuuna sheegay in gudi ka koobana todobo wasaaradood loo xilsaaray dabagalka iyo isku duba ridka Higsiga Cusub.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu magaacabay guddi wasiiro, oo kala ah Wasaaradaha Qorshaynta, Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhiga, Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Gudaha. Wasaaradahaas ayaa ka shaqayn doona la socodka barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal), waxaana hogaanka isku duba ridka deeqaha dalka la keeno yeelanaysa Wasarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga”ayuu yiri Wasiir Caynte

Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu ay qaaday talaabooyin wax looga qabanayo amniga, ayna wiiqantay awoodii kooxaha nabad diidka, kuwaas oo laga xoreeyey dhul faro badan.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa iney iga go’an tahay sii wadida howlihii baaxada lahaa ee socday, sida xoraynta iyo xasilinta dhulka ku harsan gacanta nabad diidka, dhamaystirka maamul u samaynta gobolada dalka. waxaana xusid mudan in hada xukuumadu ku mashquul san tahay sidii loo yagleeli lahaa maamulka laga hirgalinayo gobolada dhexe, waxaa intaa bar bar socda dhiiri galinta shirka dib u hesiisiinta ee ka socda Dhuusamareeb oo hada maraya meel gabo gabo ah” ayuu yiri RW Cumar.

“Waxaa sidoo kale xaqiiq ah iney na sugayso howl badan iyo waqti xadidan, lakiin taageerada aan ka helayno shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka anagoo kaashanayna ayaan ku rajo weynahay iney noo suurta gasho inaan si dhaqso ah u qabano shaqo badan” ayuu yiri RW Cumar oo dhanka kalana xusay inuu balan qaadayo ka dhabaynta qaabkii u shaqayn lahaa Higsiga Cusub.

Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada warbixin looga siiyo wixii ka qabsoomay barnaamijka higsiga cusub mdudadii uu socday, caqabadaha hortaagan, sida uu uga hirgalay gobolada dalka iyo sidii loo dar dar galin lahaa qaybaha uga aadan dhamaystirka aragtida 2016.

unnamed

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

Previous Post

Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale oo lagu soo dhaweeyay Boosaaso (Sawirro)

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo dhameystiray Golahiisa Wasiirada “Dhageyso”

Next Post
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo dhameystiray Golahiisa Wasiirada “Dhageyso”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In