Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kormeeray mashaariic horumarineed oo ka socota magaalada Jowhar, isagoo soo indha indheeyay habsami u socodka howlaha mashaariicdaasi.
Mashaariicdan ayaa badankood waxaa hirgelineysa dowladda Imaaraadka Carabta oo soo marsiisay wasaaradda arrimaha gudaha, kuwaas oo intooda badan ay marayaan gebagebo halka qaar kalena hore loo soo dhameystiray.
Meelaha uu kormeeray gudoomiye Guudlaawe waxaa ka mid ah dhismaha dugsi laga hirgelinayo xaafadda horseed oo heer gebagebo ah maraya, dugsi kale oo laga dhisayo xaafadda Buula Sheekh, dhismo Kawaan oo ka socda xaafadda horseed iyo buundo dhawaan la soo gebagebeeyay dhismaheeda.
Mudane Guudlaawe ayaa sidoo kale soo kormeeray mashaariic kale oo lagu dhisayo saldhig boolis, xarun caafimaad iyo xafiisyo uu ku shaqeyndoono maamulka, wuxuuna u kuurgalay habka ay u socdaan howlahaasi.
Gudoomiye Guudlaawe ayaa meelaha uu kormeeray waxa uu warbixin uga dhageystay howlwadeennada mashaariicdaasi, isagoo muddo saacado ah ka qeyb qaatay shaqada dhismaha mashaariicdaasi.