Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga “Heshiiska aan galabta saxiixnay ujeedkiisu waa Nabad in lagu wada noolaado”. “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 5, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga “Heshiiska aan galabta saxiixnay ujeedkiisu waa Nabad in lagu wada noolaado”. “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guriceel, March 5, 2015…Waxaa booqasho ku yimid Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, wafdi ka socda Dowladda F. Soomaaliya oo hoggaaminayo Wasiirka Difaaca General C/qaadir Sheekh Cali Diini. General Maxamed Xaashi Guulleed iyo General C/laahi Cali Caanood oo ka socda taliska guud ee CXDS. Wada hadal iyo wada xaajood dhinacyo badan taabtay oo dhex maray wafdiga dowladda federalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna ee deegaanka Guriceel, kadib, maanta oo Taariikhdu tahay March 5, 2015 labada dhinac waxay gaareen heshiis KMG ah oo ka kooban shan qodob oo gundhiggiisu yahay soo celinta nabadda iyo in la kala qaado ciidamadda dagaalku dhex maray, dadkuna ay guryahoodii dib ugu soo laabtaan.

Madasha heshiiska lagu saxiixay waxaa goob-joog ka ahaa odayaasha deegaanka, Ganacsato iyo qeybaha bulshada rayidka, waxana qodobada heshiiska oo ay wada saxiixeen Wasiirka Difaaca Soomaaliya General C/qaadir Shekeh Cali Diini iyo Wakiilka Golaha fulinta Ahlusunna Wal-jamaca Sheekh Maxamed Shaakir ay kala yihiin:

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

 

  1. Xabad joojin rasmi ah oo ka hirgasha labada dhinac

 

  1. in la kala qaado labada ciidan ee dagaalamay inta wada-hadalku socdo muddo afar (4) casho gudahood ah.

 

  1. in la furo wada-hadal muddo toban (10) bari gudahood ah oo ka bilaabata March 5, 2015  si xal rasmi ah loo gaaro.

 

  1. In labada ciidan ku kala ekaadaan degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayna joojiyaan gurmad ciidan, saanad IWM inta xal rasmi ah laga gaarayo.

 

  1. In dib loogu soo celiyo magaalada shacabkii dagaallada ku barakacay

 

Wakiilka Guddoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay dhankooda in ay ka go’an tahay fulinta heshiiskan oo ah mid muhiim ah isla markaana xal lagu gaari karo, isagoo ugu baaqay dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan tanaasul si xal rasmi ah loo gaaro.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Guriceel ayaa  u mahadceliyay dadkii dadaalka u galay howshaan in ay soo dhammaato oo qeybtii ugu horeysay maanta lasoo xiray, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay Ahlusunna Wal-jamaaca oo mudadii uu wada hadalku socday muujisay biseyl iyo ka go’naasho si xal looga gaaro dagaalkii dhacay.

Gen. C/qaadir ayaa sheegay in hannaankani  uu tallaabo mihiim ah u yahay sidii horay loogu sii wadi lahaa in deegaanka laga dhaqan-galiyo nabad iyo wada noolaansho. Iyadoo maanka lagu hayo mar walba in ay jiri karaan caqabado marka nabad la raadinayo, laakiin taas waxa kaliya oo lagu xallin karaa ay tahay wadatashi, wadahadal iyo gorgortan dhex mara dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso.

“Hawshaan way adkayd, laakiin ugu dambeyntii miro dhal ayay noqotay taas oo ku timid dadaal wada shaqayn  iyo is qancin ku dhisan, kulligeenna waan ku faraxsannahay natiijada laga gaaray wada hadalkii iyo isqancintii. Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo ah mid bilow u ah horumar waara oo laga gaaro dagaalkii uu dhiigu ku daatay”ayuu yiri Wasiir Diini.

Ugu dambayn, Wasiirka Difaaca Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa  kula dardaarmay dhinacyada in ay xoojiyaan midnimadooda, kana foogaadaan wax kastoo waxyeeli kara wadajirka iyo walaaltinimadooda. dalkeenuna u baahan yahay xasilooni,  taas oo lagu gaari karo marka lagu dhaqmo sharciga. Iyadoo la higsanayo horumar, isku tashi, amni iyo caddalad.

—-DHAMMAAD—-

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed

 

Previous Post

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo maanta kormeeray mashaariic laga hirgelinayo Jowhar “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In