Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha: “Dowladda waxa ay qaadaysaa mas’uuliyadda taabo gelinta shirka dib-u-heshiisiinta Dhuusamareeb”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R.W. Cumar oo kulamo kula qaatay Dhuusamareeb Odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu balan qaaday in Dowladda ay bixineyso qarashka ku baxaya Shirarka dib-u-heshiisiinta Goboladaas ka socda, isagoo dhanka kalena xalay kulamo la qaatay Maamulka iyo siyaasiyiinta Dhuusamareeeb ku sugan.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo ka hadlayay kulanka ayaa sheegay in degmooyinka Ceeldheer iyo Galhareeri inaysan xor ahayn oo ay ka maqantay gacanta dowladda, waxaana uu xusay in gobolka ay ka dhaceen faldambiyeedyo ay gacan ka geysteen maleeshiyada Kooxda Shabaab.

Related posts

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026

“Mudane Ra’iisul wasaare waxaa noo qorsheysan in deegaannada ka harsan gobolka aan dib ula wareegno oo aan ka sifeyna cadowga Ummadda ee Shabaab, waxaana rabnaa in arrintaasi gacan nalagu siiyo” ayuu yiri Cirfo.

Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay in shirka dib-u-heshiisiinta uu gacan ka geysan doono dhismaha Maamulka Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

“Dad wada heshiiyay ayaa nidaab qabsada, marka waxaan bulshada ka codsanayaa inay xoojiyaan dadaalka ku aadan sidii loo xalin lahaa, isla markaana dib-u-heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa bulshada degta Gobollada Mudug iyo Galgaduud” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay taabo gelineyso dhameystirka shirka dib-u-heshiisiinta, isagoo intii soo agaasinta uga Mahadceliyay qabsoomidda shirka.

“Waxaan rabaa in aan idinkaga Mahadceliyo sidii aad noo soo dhaweyseen, dowladda waxa ay mas’uuliyad qaadeysa taabo gelinta shirka, waxaan bogaadinayaa duubabka iyo intii ka qeyb qaadatay qabsoomidda shirka” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhaqaale loo urruuriyay dhismaha waddo isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo

Next Post
Dhaqaale loo urruuriyay dhismaha waddo isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo

Dhaqaale loo urruuriyay dhismaha waddo isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

February 10, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir...

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

February 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali has arrived in Addis Ababa to participate in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In