Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo soo dhaweysay in Zakiriye laga saaro liiska argagixisada ee ay Mareykanku baadi goobayaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 8, 2015
in Wararka
0
Dowladda oo soo dhaweysay in Zakiriye laga saaro liiska argagixisada ee ay Mareykanku baadi goobayaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii dowladda Mareykanka ay Zakariye Ismaaciil Xirsi oo loo yaqaan Zaki, kaga saartay liiska dadka madaxooda lacagaha abaalmarinta ah la dul dhigay, kaddib markii uu ka soo goostay kooxdaasi kalhore.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu sheegay in talaabadaasi ay ku timid wada hadal dhexmaray dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya, si loo xaqiijiyo, looguna abaalmariyo go’aanka uu qaatay ee uu kaga haray xoog wax ku raadinta, diidista fikradaha kooxda Al-Shabab iyo isagoo si rasmi ugu biirey hanaanka nabadda, kuwaas oo ah shuruudaha ugu muhiimsan ee laga doonayo inay fuliyaan shakhsiyaadka ka soo goosanaya Al-Shabab. Zakariya Ismaaciil waxaa uu si aan leexleexad lahayn bulshada Soomaaliyeed ugu muujiyey inuu shuruudahaasi buuxiyey, oo uu isaga soo tegay kooxda Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dowladda Mareykanka iyo dowladaha kale ee kala dhexeeya iskaashiga ku aadan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab, iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska Soomaaliya.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Waxaa ay dowladda mar kale fariin u direysaa kuwa weli ku dhex xaniban ururka Al Shabaab ha noqdeen hoggaamiyeyaal ama Maleeshiyaadka caadiga ah haddii ay doonayaan inay isaga haraan dagaalka iyo xoog wax ku raadinta, isla markaana ay si cad u diidaan fikirka qaldan ee Al Shabaab, in markaasi la siin doono fursad ay qeyb uga noqdaan bulshadooda, ayna ka qayb qaataan dib u dhiska Soomaaliya”

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay xaqiijineysaa in ay taageero u fidin doonto maleeshiyaadka ka soo goosta kooxda Shabaab, si ay dib ugu soo biiraan shacabka, waxaana ay horey sidaan oo kale fursadda u helay in liiska argagixisada ah laga saaro Sheekh Maxamed Saciid Atom oo kal hore isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Previous Post

Barcelona oo Qabatay Hogaanka Horyaalka Spain iyo Messi oo hat-trick Dhaliyay ” SAWIRRO”

Next Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin” VIDEO

Next Post
Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin” VIDEO

Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin” VIDEO

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In