Saturday, December 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Drs Khadra Bashiir oo Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Wei-Hongtian ”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Drs Khadra Bashiir oo Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Wei-Hongtian ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Drs Khadro Bashiir Cali oo ay wehelinayaa Wasiiru dowlaha Mudane Cabdullahe Bile, Wasiir ku xigeenka Mudane Xaamud Cali Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Tacliinta sare Mudane Ismaaciil Yuusf ayaa waxey maanta ku qaabishay Xafiiskeeda Safiirka Dowlada Chine u fadhiya Dalka Soomaaliya.

Isbarasho kadib Wasiirada ayaa kala hadashay Safiirka arrimo badan oo muhiim kuwaas oo ay kamid ahaayeen sidii dowlada Shiinaha ay u taageeri laheyd dalka Soomaaliya gaar ahaan dib u dhiska goobahii iyo dhismooyinkii Wasaarada Waxbarashada ay lahaan jirtay sida Xaruntii hore ee Wasaarada iyo Iskuuladii dalka oo badankooda ay ku burbureen dagaaladii dalka ka dhacay.

Related posts

Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Oo Maanta Lagu Dhawaaqi Doono

Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Oo Maanta Lagu Dhawaaqi Doono

December 27, 2025
Midowga Africa Oo Si Buuxda U Taageeray Midnimada Qaran Ee Soomaaliya

Midowga Africa Oo Si Buuxda U Taageeray Midnimada Qaran Ee Soomaaliya

December 27, 2025

Wasiirada ayaa uga mahad celisay Dowlada Shiinaha taageera ay la garab taaganyihiin Ummada Soomaaliya, waxey ka codsatay dowlada Shiinaha iney sii balaariyaan kaalmada Soomaaliya, islamarkaana ay kor u qaadaan tababarka iyo deeqaha Waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya.

Wasiirada ayaa sheegtay in waxyaabaha muhiimada ay saareyso ay kamid tahay sidii Deeqaha Waxbarasho si siman loogu gaarsiin lahaa Gobalada Dalka oo dhan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay kulanka Wasiiru dowlaha Wasaarada Waxbarashada Cabdulahi Bile oo isna uga mahadnaqay Dowlada Shiinaha Kaalmaha ay la garab taagantahay Dalka Soomaaliya, loogana baahanyahay Jaamacadaha Chine iney kala shaqeeyaan Wasaarada iyo Jaamacada Umada
sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii tacliin ee ka dhaxeeyay labada dal taasna gar wadeen ay ka noqoto Safaarada Shiinaha ee Soomaaliya.

Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wei-Hongtian Geeljire ayaa uga mahadnaqay Wasiirada iyo Mas’uuliyiinta kale ee Wasaarada sida loo soo dhaweeyay, waxa uuna sheegay in dowlada
Shiinaha qorsheyneyso iney dhisto Kuliyadii Siyaasada, sidoo kalana dib u dhis ku sameyn doonto dhamaan Xarumaha dalka.

Safiirka ayaa xusay iney qorsheynayaan iney dhisaan xaruntii Dhaqanka iyo Hidaha ayna siin doonaan Soomaaliya Deeqo Waxbarasho si kor loogu qaado Waxbarashada Ardayda Soomaaliya.

DSC_0443 DSC_0447 DSC_0448 DSC_0450 DSC_0452 DSC_0453 DSC_0454 DSC_0455 DSC_0456 DSC_0458

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya oo walaac ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada oo ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed

Next Post

Ku dhawaad 40 askari oo loo soo Tababaray ilaalinta Xeebaha Soomaaliya oo Galkacyo Gaaray ”Sawirro”

Next Post
Ku dhawaad 40 askari oo loo soo Tababaray ilaalinta Xeebaha Soomaaliya oo Galkacyo Gaaray ”Sawirro”

Ku dhawaad 40 askari oo loo soo Tababaray ilaalinta Xeebaha Soomaaliya oo Galkacyo Gaaray ''Sawirro''

Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Oo Maanta Lagu Dhawaaqi Doono

Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Oo Maanta Lagu Dhawaaqi Doono

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kadib doorashadii golaha deegaanka ee gobolka Banaadir ee Khamiistii lasoo dhafaay 25-kii December 2025 ka dhacday caasimadda dalka, ayaa...

Midowga Africa Oo Si Buuxda U Taageeray Midnimada Qaran Ee Soomaaliya

Midowga Africa Oo Si Buuxda U Taageeray Midnimada Qaran Ee Soomaaliya

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Midowga Afrika ayaa si buuxda u caddeeyay in uu garab taagan yahay qaranimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda...

Dowladda Turkiga Oo Si Buuxda U Taageertay Midnimada Iyo Madax-Bannaanida Soomaaliya

Dowladda Turkiga Oo Si Buuxda U Taageertay Midnimada Iyo Madax-Bannaanida Soomaaliya

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay madax-bannaanida,midnimada dhuleed, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya

Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale si cad oo aan gorgortan geli karin u xaqiijinaysaa go’aankeeda adag...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In