Askartaan oo gaareeysay ilaa 38 askari oo ka kala socday dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug isla markaana qeyb ka ah ciidamada Badda labada maamul ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug kadib tababar ku aadan ilaalinta xeebaha oo ay ku dhawaad muddo laba bilood ah kusoo qaateen dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.
Ciidamadaan ayaa socdaalkooda waxaa ku wehliyay Taliyaha ciidanka badda ee Dowlad gobaleedka Galmudug G/sare Maxamed Yuusuf Xaashi Cilmi Qabax iyo wasiirka wasaarada kaluumeysiga Kheyraadka Badda Iyo Dakadaha Mudane C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor oo iyagu kasoo qeyb galay xafladii tababarka loogu soo xirayay ciidankaan ee lagu qabtay dalka Jabuuti Jimcihii aynu soo dhaafnay.
Askartaan oo ah dufcadii sadaxaad ee ciidamada badda maamulada Galmudug iyo Puntland ee tababar ciidan oo ku saabsan ilaalinta xeebaha kusoo qaata dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan kuwa Dowlad Gobaleedka Galmudug.
Wasiirka wasaarada kaluumeeysiga Kheyraadka Badda iyo Dakadaha Galmudug C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor oo soo dhaweeyn ka dib warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka weyn ee magaalada Galkacyo ayaa sheegay in ay dadaal dheer u galeen sidii loo heli lahaa in Galmudug eey yeelato ciidan u tababaran ilaalinta xeebaha maadaama xiligaan ay jiraan dhibaatooyin farabadan oo ka taagan guud ahaan xeebaha dalka soomaaliya gaar ahaanna kuwa Maamulka Galmudug kuwaasoo uu tilmaamay in ay ka mid yihiin kaluumeysiga sharci daradaa ee lagu hayo xeebaha dalkeena iyo sidii loo soo afjari lahaa burcad badeednimada loona soo bad baadin lahaa la heystayaal ajaanib ah oo wali gacanta ugu jira kooxaha burcad badeeda.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay sii wadayaan diyaarinta ciidamo ku filan ilaalinta xeebaha galmudug tan iyo inta laga soo afjarayo dhibaatooytinka ka jira xeebaha dowlad gobaleedka Galmudug oo uu ku tilmaamay ineey yihiin kuwa ugu badan ay ka jiraan xaalufinta badda iyo in loo isticmaalo meel lagu soo daadiyo waxyaabo loo maleeynayo ineey yihiin walxo kiimikaad kuwaasoo qaarkood hadda lagu arkayo iyagoo ku jira haamo waaweeyn xeebaha marsooyinka Kalad,Gur Guur ,Iidaan ,Afweyn iyo Galhagoog.
Qaar kamida ciidanka tababrka kasoo laabtay oo iyagu la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in dalkoodii ay dib ugu soo laabtaan iyagoo soo qaatay tababar ay sheegeen ineey wax weyn kasoo korarsadeen isla markaana ay haatan diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan ilaalinta xeebaha dalka soomaaliya.
Soo laabashada dufcadan sadaxaad ee ciidanka ilaalada badda Galmudug iyo Puntland ayaa kusoo beegmeeysa xilli ay isa soo tarayaan qeyla dhaanta iyo cabashada kasoo yeereeysa kaluumeysatada soomaaliyeed ee ka jilaabta xeebaha isku xira dagmada Hobyo iyo Marsada Galhoog oo qiyaas ahaan kaga beegan dhanka waqooyi 180Km taasoo ku aadan dhibaatooyin ay ku hayaan maraakiib iyo doonyo si sharci dara ah uguranaya kheyraadkii badda isla markaana ay wataan Ajaanib.
Waxaa Diyaariyay Wariye C/risaaq Maxamed Axmed