Sii-hayaha xilka guddoomiyaha degmada Buulo Burte Liibaan Cabdi ayaa sheegay in xaaladda nololeed ee dadka ku nool degmada ay sii xumaaneyso ayadoo ay wali kooxda Al-Shabaab xayiraad ku hayaan waddooyinka soo gala Buulo Burte.
Kooxda Al-Shabaab ayaa xiray waddooyinka degmada soo gala taas oo sababtay in gaadiidka raashinka wada uu gaari waayo, dowladda Soomaaliya ayaa gargaar ay galbiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM gaarsiisay Buulo, hase yeeshee waxay ahayd xilli hore.
“Qoys kasta waxaad ku arkaysaa dad baahi darted u jiifa, xaaladdu waa sii xummaanaysaa, mana la haayo wax lagu caawiyo dadkaan” ayuu Radio Muqdisho u sehegay Liibaan Cabdi oo sii haya xilka guddoomiyaha Buulo Burte, kaddib markii la xiray guddoomiyihii degmada oo lagu eedeeyay musuqmaasuq lagu sameeyay deeq raashin ah.
Liibaan wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay in gargaar deg deg ah la soo gaarsiiyo dadka rayidka ah oo laga yaabo inay dhawaan baahi darteed u geeriyoodaan. Dowladda ayuu ugu baaqay inay xaalad deg deg ah u aqoonsato waxa ka jira degmada Buulo Burte oo sababi kara in muwaadiniin badan ay baahi darteed u geeriyoodan.