Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye “Waxaan dhiiri gelinayaa in howlwadeenada Wasaaraddu xoojiyaan wacyigelinta bulshada” SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 14, 2015
in Wararka
0
Wasiir Maareeye “Waxaan dhiiri gelinayaa in howlwadeenada Wasaaraddu xoojiyaan wacyigelinta bulshada” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa maanta hoolka Wasaaradda kula shiray shaqaalaha Wasaaradda, kaasi oo ku saabsanaa kala warqaadasho iyo dar dargelinta howlaha ay bulshada u hayaan.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda, waxaana ugu horeyn goobta hadal kooban ka jeediyay Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo sheegay in shirkan uu ka duwanyahay shirarka shaqaalaha ay yeeshaan.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi oo isna hadal ka jeediyay shirka ayaa tilmaamay in shirkan uu yahay mid uu codsaday Wasiirka, isla markaana diiradda lagu saarayo wax ka qabashada cabashooyinka shaqaalaha iyo in howsha la dar dargeliy.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Wasaaradda ay xoogga saari doonto kor u qaadidda xirfadda shaqaalaha, isla markaana la balaarin doono barnaamijyada wacyigelinta ah ee lagu horumarinayo dalka.

Qaar ka mid ah howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta oo ka hadlay shirka ayaa soo jeediyay talooyin ku aadan sida lagu horumarin karo howlaha ay bulshada u hayaan, isla markaana madaxda sare ee Wasaaradda looga fadhiyo inay howlwadeenada gacan ku siiyaan gudashada waajibka loo idmaday.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta, dhaqaanka iyo dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo gabo gabadii shirka soo xiray ayaa tilmaamay in wax badan laga qaban doono tallooyinka ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda, waxaana uu intaa ku daray in dhawaan markale dib loo howlgelin doono Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Wasiirka waxa uu xusay in howlwadeenada Wasaaradda ay yihiin kuwa ugu shaqada badan shaqaalaha rayidka ee dowladda, isla markaana uu Madaxda sare ee dowladda kala hadli doono sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda aas aasiga ah, isagoo tacsi u diray dhamaan suxufiyiinta u dhintay u adeegidda bulshada ee isugu jira kuwa ka howlgalla Wasaaradda Warfaafinta iyo hay’adaha kale ee Warbaahineed ee dalka, uuna guddiga shaqaalaha rayidka kala kaashan doono sidii loo diiwaan gelin lahaa suxufiyiinta.

“Wasaaraddu waxa ay joogteyn doontaa dhiirigelinta shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahaan kuwooda muujiya howlkarnimo iyo shaqo hufnaan, tankale waxaan rabnaa in howlwadeenada Wasaaraddu ay u istaagaan sidii loo dar dargelin lahaa adeegyada ay bulshada u hayaan, annaguna waxaan xoogga saareynaa inay helaan tababarro lagu kobcinayo xirfaddooda shaqo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

IMG_5217

IMG_5142

IMG_5144

IMG_5146

IMG_5148

IMG_5149

IMG_5151

IMG_5152

IMG_5153

IMG_5155

IMG_5157

IMG_5159

IMG_5164

IMG_5165

IMG_5166

IMG_5169

IMG_5172

IMG_5173

IMG_5174

IMG_5175

IMG_5176

IMG_5177

IMG_5178

IMG_5179

IMG_5180

IMG_5181

IMG_5182

IMG_5183

IMG_5185

IMG_5187

IMG_5190

IMG_5191

IMG_5194

IMG_5195

IMG_5198

IMG_5199

IMG_5204

IMG_5206

IMG_5208

IMG_5209

IMG_5211

IMG_5213

IMG_5216

IMG_5222

IMG_5225

IMG_5228

IMG_5238

IMG_5241

IMG_5242

IMG_5243

IMG_5246

IMG_5247

IMG_5250

IMG_5258

IMG_5264

IMG_5273

IMG_5274
Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur iyo Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirka Sharm El Sheikh lana kulmay madax kale Sawirro

Next Post

Kulan Howleed Guddiga Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Ugu Soo Gebageboobay Kampala “SAWIRRO”

Next Post
Kulan Howleed Guddiga Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Ugu Soo Gebageboobay Kampala “SAWIRRO”

Kulan Howleed Guddiga Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Ugu Soo Gebageboobay Kampala “SAWIRRO”

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In