Tuesday, July 5, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirka Sharm El Sheikh lana kulmay madax kale Sawirro

March 14, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirka Sharm El Sheikh lana kulmay madax kale Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha iyo maalgashiga Masar oo ka socda magaalada Sharm El Sheik.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

July 5, 2022
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022

Madaxweyne Xasan oo ka mid ahaa madaxda tirada badan ee caalamka ee shirka lagu casuumey ayaa ugu horeyntii ku ammaaney Masar dhabbada ay hayso ee dhinaca qaabeynta mustaqbalka dhaqaalaha dalka oo uu sheegay inay ka faa’idi doonaan waddamada Carabta iyo qaaradda Afrika.

‘’Waa muhiim in waddamadeena ay horumariyaan siyaasad qeexan oo lagama maarmaan u ah kobcinta maalgashiga shisheeye iyo kan gudaha, waxayna taasi kaalin muuqata ka qaadaneysaa dhaqaalaha oo kordha. Waxaan dhammaanteen halkan isugu nimid inaan isweydaarsano fikrado la xiriira qaabka aan himiladaasi ku gaaro karno iyo inaan ka sii taxaddarno caqabadaha naga hor imaan kara iyo sida looga gudbi karo’’, ayuu yiri Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud”.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha intaa ku darey in talaabada Masar ay qaadeyso ee dhinaca horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga ay xal wanaagsan u noqon karto mashaakilaadka dhinaca bulshada ee waddamo badan ka taagan.

‘’Maalgashiga iyo in la sugo kobaca dhaqaalaha waxay si toos ah xiriir ula leeyihiin hadba sida aan ula tacaalno siyaasadaheena qaran ee la xiriira la dagaalanka faqriga iyo sinaan la’aanta, sidaa darted talaabadan waxay dawo u tahay in bulshada loo jiheeyo dhanka horumarka. Waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay in sidoo kale la maalgashado horumarinta xirfadaha bulshada sida inay helaan waxbarasho aasaasi ah iyo mid heer sare intaba, loona abuuro fursado ay si siman uga wada faa’ideysan karaan’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in shirkan Sharm El Sheikh ay Soomaaliya wax badan ka baran karto, muhiimna uu u yahay barnaamijyada dib u dhiska Soomaaliya, maadaama ay shirkan joogaan dalal ilaa 80 gaaraya iyo boqolaal shirakadood oo caalami ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xarunta shirkan uu ka socdo kulamo kula qaatey Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Dr. Nabil El Araby, Wasiiirka Arrimaha Dibedda ee Dowlada Isutagga Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan iyo madax kale.

Mareykanka ayaa waxaa shirkan uga qeybgalaya Xoghayaha Arrimaha Dibedda, John Kerry.

Dhanka kale xubnaha wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Isgaarsiinta, Guuleed Xuseen Qaasim, Batroolka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali iyo Wasiir ku Xigeenka Qorsheynta Cabdullaahi Sheekh Cali, waxay kulamo muhiim ah la qaateen wasiiro iyo madaxda shirkado caalami ah oo shirka jooga, iyagoo ka wadahadley horumarinta iyo maalgashiga Soomaaliya.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

 

Previous Post

Tahriibeyaal lagu qabtay xeebaha Puntland

Next Post

Wasiir Maareeye “Waxaan dhiiri gelinayaa in howlwadeenada Wasaaraddu xoojiyaan wacyigelinta bulshada” SAWIRRO

Next Post
Wasiir Maareeye “Waxaan dhiiri gelinayaa in howlwadeenada Wasaaraddu xoojiyaan wacyigelinta bulshada” SAWIRRO

Wasiir Maareeye “Waxaan dhiiri gelinayaa in howlwadeenada Wasaaraddu xoojiyaan wacyigelinta bulshada” SAWIRRO

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

July 5, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan walaalaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022
0

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

July 4, 2022
0

Madaxwaynaha JFS Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

July 4, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In