Tuesday, June 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar oo kulan gaar ah yeeshay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar oo kulan gaar ah yeeshay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

15 Maarso 2015, Sharm El Sheikh: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Sharm El Sheikh kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi.

Kulankaasi ayaa ugu horeyntii waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu Madaxweye Al-Sisi iyo shacabka Masar ugu hambalyeeyay qabsoomidda shirka caalamiga ah ee maalgashiga iyo dhaqaalaha Masar oo maanta lagu soo gabagabeynayo magaalada Sharm El Sheikh.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda diiradda ku saarey iskaashiga labada dal, kal xog qaadasho arrimaha Soomaaliya iyo dunida Islaamka iyo qodobo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankaasi ka sheegay horumarka dhanka siyaasadda iyo nabadgelyada ee ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso, isagoo dhanka kalena ka dalbadey Masar inay kaalin ka qaadato sidii caalamka iyo dunida Carabta ay iskaashi buuxa ula sameyn lahaayeen Soomaaliya.

‘’Soomaaliya waa dal kheyraad kala duwan uu Ilaahay ku maneystey. Colaaddii muddada dheer socotey kadib, hadda waxaan diyaar u nahay inaan caalamka intiisa kale wax la qeysano. Marka waa in dunida Carabta iyo caalamka intiisa kale ay ogaadaan in Soomaaliya aaney khatar ku ahayn nabadgelyada caalamka, isla markaana ay dunida inteeda kale wax la qabsan karto maadaama aanu kheyraad badan leenahay. Walaalaheena Masar waxan ka codsanayaa inay suuqyadooda inoo furaan si aan badeecadeheena ugu iibino’’, ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa dhankiisa sheegay in waajib uu ka saaran yahay inuu Soomaaliya ka taageero dhinaca nabadgelyada iyo mashaariicda horumarka.

Labada madaxweyne ayaa kulankaasi ka sheegay inay diyaar yihiin xubnaha guddi iskaashi oo ay yeelanayaan Soomaaliya iyo Masar oo horey loogu heshiiyey. Guddigaasi ayaa la filayaa in shirka Jaamacadda Carabta ee ka dhici doona Qaahira ay ku kulmi doonaan, si ay u bilaabaan fulinta heshiisyada iskaashiga dhaqaalaha, nabadgelyada , dhaqanka iyo arrimaha bulshada ee hore labada madaxweyne u gaareen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulankaasi u la yeeshay dhiggiisa dalka Masar, waxaa ku wehliyey Wasiirrada Isgaarsiinta, Guuleed Xuseen Qaasim, Batroolka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali, la taliyaha madaxweynaha Daahir Maxamuud Geelle iyo mas’uuliyiin kale.
1

2

3

4

Previous Post

Kooxaha Chelsea iyo Southampton oo Bareejo Ku Kala Baxay ”SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In