Wednesday, August 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed: “Shabaab xasuuqa dadka rayidka ah caado ayay u leeyihiin”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 16, 2015
in Wararka
0
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed: “Shabaab xasuuqa dadka rayidka ah caado ayay u leeyihiin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa cambaareysay fal xasuuq ah oo ay maleeshiyada Shabaab ka geysteen degaanno ku yaalla Gobollada Gedo iyo Shabaalaha Hoose, halkaasi oo ay ku laayeen qoysas Soomaaliyeed.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa ugu horeyn ku tilmaamay falka wuxuushnimada ah ee ay Shabaabku ka geysteen Tuulo hoostagta Degmada Luuq iyo Degmada Qoryooleey mid ka baxsan diinta Islaamka, waxaana uu tacsi u diray ehelada dadka ay Shabaabku xasuuqeen.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025

“Musiibada ay sameeyeen nimanka argagixisada ee Khawaarijta ah marka hore aniga oo ku hadlaya magaca hay’adda culimada Soomaaliyeed waan cambaareynayaa, tankale falalka ay dadka ku laaynayaan diinta Islaamka raad kuma lahan, waxaana ku shaqeysanaya sheeydaamo” ayuu yiri Sheekha.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa xusay in sida kaliya ee Shabaab looga adkaan karo ay tahay in shacabka iyo dowladda ay si wada jir ah ula dagaallamaan argagixisada Shabaab, isla markaana loogu tego meelaha howdka ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan.

“In la dabar gooyo ayaa kooxdan lagu baabi’in karaa, waayo waxa ay u dagaallamayaan ma ahan mid diinta Islaamka ay shaqo ku leedahay, waxaa kaloo jirta in Shabaab xasuuqa dadka rayidka ah ay caadi u leeyihiin” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Previous Post

Real Madrid oo Ka Adkaatay Kooxda Levante “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

August 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

August 12, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In