Marwo Harriet Mathews OBE ayaa soo loo magacaabay safiirka cusub ee dowlada Uk ee Soomaaliya,waxayna bedelaysaa Mr Neil Wigan oo ah safiirkii iyada ka horeeyay kaas oo sida warka ka soo baxay dowladda Ingiriiska in loo bedeli doono shaqo diblomaasi oo kale,Mathews ayaa si rasmi ah shaqadeeda ula wareegi doonta bisha Juunyo ee soo socota.
Marwo Mathews waxaa ay wasaarada arrimaha dibadda ku soo biirtay 1997-dii, iyadoo hadda madax ka aheyd waaxda la dagaalanka cudurka Ebola.Ms Mathews oo ah qof aqoon duruqsan u leh arimaha Afrika ayaa waxaa ay ka soo shaqeysay sadex goobood oo Qaaradda Afrika kamid ah sida iyadoo madax ka noqotay xafiisyada Bariga iyo galbeedka Afrika ee dowladda Uk.
Danjiraha cusub ee dowladda Uk ee Soomaaliya Ms Mathews ayaa sidoo kale waxaa aya ka soo shaqeysay xafiiska arrimaha dibadda ee UK wadamada ay kamid yihiin Brazil,Israel and Afghanistan.
“Waan ku faraxsanahay in la ii magacaabo safiirka UK ee Soomaaliya,waxaan u shaqeyn doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Ingiriiska,Boqortooyada Ingiriiska waxaa aan u ahay qofkii ka caawin lahaa sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa nabada iyo deganaanshaha, tanina waa fursadii aan shakhsiyan ugu qeyb qaadan lahaa horumarkaasi” ayay tiri Ms Mathew.