Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Machadka Heritage Oo Soo Bandhigay Warbixinada Ay Uruuriyeen Sanadkii 2014

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Machadka Heritage Oo Soo Bandhigay Warbixinada Ay Uruuriyeen  Sanadkii 2014
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadaalka hagar la’aaneed ee xubnaha machadka awgiis, Sanadka 2014 waxa uu Machadka Heritage u ahaa sanad guuleed oo wax soosaar leh. Machadku isaga oo ka duulaya guulihii sanadkii hore iyo hiigsigii isaraatiijiga ahaa ee lagu dajiyey kulanii ugu danbeeyey ee Golaha Talinta, ayuu ku dhaqaaqay qorshe dhinacyo badan leh si uu fikrado wax ku ool ah ugu kordhiyo talada dalka, kuwaas oo ku salaysan cilmi-baaris iyo xog rasmi ah iyo in uu fududeeyo in si dhab ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu cad-caddayd shaqooyinkeenna 2014-ka. Cilmibaarayaal ka socda machadka ayaa daraasad ka sameeyey 5 magaalo, taas oo qeyb ka ahayd mashruuca Wadahadalka Qaran ee Federaalka. Inkastoo dastuurka ay ku qoran tahay federaalku, haddana Soomaaliya si dhab ah loogama fahamsana; taasina waxa ay keentay xaalad abuurtay jawi khilaaf oo ka dhex jira beelaha iyo degaanada Soomaaliyeed. Sidaas darteed ayaan cilmibaarista federaalka uga hawl-galnay annaga oo ka duulayna dareenka ah, kor u qaadista fahamka federaalka ee bulshada Soomaaliyeed iyo furidda dood-qaran oo mowduucan ku saabsan, in ay kaalin mug leh ka geysan karaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya. Intii cilmibaarista aan ku guda-jirneyna waxaan dhidibada u sii aasnay xiriiro shaqo oo macno leh oo aan la dhigannay hay’ado kale oo dalka ku baahsan gaar ahaan jaamacadaha.

Related posts

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

July 14, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026

Waxaa kale oo mashuurca Madasha Heritage uu noo sahlay in aan sii wadno hirgelinta in wada-hadal uu ka dhex furno dhinacyada taladu ka go’do iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay waxay dhammaan sannadkan ka qayb-qaateen dood-wadaagga Madasha Aragtida ee Heritage.

Qoraal sanadeedkan wuxuu iftiimanayaa howlihii aan qabannay sanadkii 2014-ka.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Haweenka Soomaaliya Oo Casho Sharaf Loogu Sameeyay Minneapolis

Next Post
Wasiirka Haweenka Soomaaliya Oo Casho Sharaf Loogu Sameeyay Minneapolis

Wasiirka Haweenka Soomaaliya Oo Casho Sharaf Loogu Sameeyay Minneapolis

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

July 14, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fiidkii duqeymo ka fuliyay deegaanka Goobo, oo qiyaastii 10...

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In