Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Machadka Heritage Oo Soo Bandhigay Warbixinada Ay Uruuriyeen Sanadkii 2014

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 18, 2015
in Wararka
0
Machadka Heritage Oo Soo Bandhigay Warbixinada Ay Uruuriyeen  Sanadkii 2014
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadaalka hagar la’aaneed ee xubnaha machadka awgiis, Sanadka 2014 waxa uu Machadka Heritage u ahaa sanad guuleed oo wax soosaar leh. Machadku isaga oo ka duulaya guulihii sanadkii hore iyo hiigsigii isaraatiijiga ahaa ee lagu dajiyey kulanii ugu danbeeyey ee Golaha Talinta, ayuu ku dhaqaaqay qorshe dhinacyo badan leh si uu fikrado wax ku ool ah ugu kordhiyo talada dalka, kuwaas oo ku salaysan cilmi-baaris iyo xog rasmi ah iyo in uu fududeeyo in si dhab ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu cad-caddayd shaqooyinkeenna 2014-ka. Cilmibaarayaal ka socda machadka ayaa daraasad ka sameeyey 5 magaalo, taas oo qeyb ka ahayd mashruuca Wadahadalka Qaran ee Federaalka. Inkastoo dastuurka ay ku qoran tahay federaalku, haddana Soomaaliya si dhab ah loogama fahamsana; taasina waxa ay keentay xaalad abuurtay jawi khilaaf oo ka dhex jira beelaha iyo degaanada Soomaaliyeed. Sidaas darteed ayaan cilmibaarista federaalka uga hawl-galnay annaga oo ka duulayna dareenka ah, kor u qaadista fahamka federaalka ee bulshada Soomaaliyeed iyo furidda dood-qaran oo mowduucan ku saabsan, in ay kaalin mug leh ka geysan karaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya. Intii cilmibaarista aan ku guda-jirneyna waxaan dhidibada u sii aasnay xiriiro shaqo oo macno leh oo aan la dhigannay hay’ado kale oo dalka ku baahsan gaar ahaan jaamacadaha.

Related posts

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

August 18, 2025

Waxaa kale oo mashuurca Madasha Heritage uu noo sahlay in aan sii wadno hirgelinta in wada-hadal uu ka dhex furno dhinacyada taladu ka go’do iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay waxay dhammaan sannadkan ka qayb-qaateen dood-wadaagga Madasha Aragtida ee Heritage.

Qoraal sanadeedkan wuxuu iftiimanayaa howlihii aan qabannay sanadkii 2014-ka.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Haweenka Soomaaliya Oo Casho Sharaf Loogu Sameeyay Minneapolis

Next Post
Wasiirka Haweenka Soomaaliya Oo Casho Sharaf Loogu Sameeyay Minneapolis

Wasiirka Haweenka Soomaaliya Oo Casho Sharaf Loogu Sameeyay Minneapolis

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

August 18, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Beerre iyo deegaannada ku hareereysan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada...

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

August 18, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta magaalada Tokyo ugu gudbisay nuqul ka mid...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

August 18, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatey Wakiilka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In