Friday, May 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socday hay’adda Tika Ee Turkiga Oo booqday magaalada Jowhar Mashaariicyana Ka Fulinaya Magaaladaasi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socday hay’adda Tika Ee Turkiga Oo booqday magaalada Jowhar Mashaariicyana Ka Fulinaya Magaaladaasi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigani ka socda hay’adda TIKA ee dalka Turkiga ayaa booqday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabelaha Dhexe, iyagoo booqday biyo xireenka Sabuun ee duleedka magaalada Jowhar.

Wafdigani oo uu hogaaminayay Khaaliid Yamaas ayaa waxaa ay la kulmeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Sh/dhexe iyagoo kulamo la yeeshay maamulka gobolka.
Saraakiishan ka socotay hay’ada Tika ayaa waxaa ay booqdeen wabiga Shabelle gaar ahaan xiintoyda oo ay carro badan haatan buuxisay,qaar ka mid ah buqaha biyaha wabiga Shabelle ay ka soo fatahaan iyo halka uu ka soo bilowdo biyo xireenka Sabuun oo burbur xoog leh ka jirey labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Related posts

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

May 22, 2026
Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

May 22, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Shabelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka hadlay waxyaalihii ay iskula soo qaadeen wafdigan ka socday dalka Turkiga waxana uu sheegay in ay u gudbiyeen dhibaatooyinka ka jira gobolka iyo baahiyada degdegga ah ee jira.
“Waxaa ay noo sheegeen inay doonayaan inay ka qeybqaataan horumarka gobolka waxana ay hay’adda Tika inoo ballanqaaday in ay howlo carro tuur ah ka samayn doonaan wabiga Shabelle ayna qodi doonaan biyo xireenka Sabuun iyo weliba inay dayactir ku samayn doonaan wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo magaalada Jowhar.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe.

Dayactirka kanaalka Sabuun ayaa ah mid haddii la fuliyo faa’ido badan ugu jirta beeralayda ku nool gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe waxana biyo xireenkan uu dhirirkiisu gaarayaa 28km halka ballaciisuna uu yahay 30mitir. Biyo xireenka kaliya ee haatan dalka ka shaqeeya ayaa ah biyo xireenka Balcad kaasoo beeralayda khudaarta ee deegaano kamid ah Shabelaha hoose iyo Shabelaha dhexe ay ka faa’ideystaan.

Booqashada wafdiga ka socda dalka Turkiga ayaan ahayn markii ugu horeysay iyadoo hore ay dowlada Turkiga hay’ado ka socday ay ugu deeqeen shacabka gobolka xoolo munaasabada Ciidul Adxaha.

boqasho-sabun-1

boqasho-sabun-2

boqasho-sabun-4

boqasho-sabun-5

boqasho-sabun-12

Xuquuqda Sawirada Waxaa Iska Leh Website-ka Jowhar

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Nicholas Kay Oo Ammaanay Dadaalada Madaxda Dalka ay ku doonayaan Hirgalinta Hiigsiga 2016

Next Post
Nicholas Kay oo soo dhoweeyay sii deynta badmaaxiin afduub loo haystay muddo 4 sano ah

Nicholas Kay Oo Ammaanay Dadaalada Madaxda Dalka ay ku doonayaan Hirgalinta Hiigsiga 2016

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

May 22, 2026
0

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda caafimaadka XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa shir gudoomisay kulan kadhacay Xarunta Hawlgallada...

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

May 22, 2026
0

Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar Raashid...

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 22, 2026
0

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha Afrika ayaa billowday inay natiijooyin muuqda dhaliso. Arrintan waxaa shaaciyay Liu...

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In