Saturday, July 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socday hay’adda Tika Ee Turkiga Oo booqday magaalada Jowhar Mashaariicyana Ka Fulinaya Magaaladaasi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 19, 2015
in Wararka
0
Wafdi ka socday hay’adda Tika Ee Turkiga Oo booqday magaalada Jowhar Mashaariicyana Ka Fulinaya Magaaladaasi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigani ka socda hay’adda TIKA ee dalka Turkiga ayaa booqday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabelaha Dhexe, iyagoo booqday biyo xireenka Sabuun ee duleedka magaalada Jowhar.

Wafdigani oo uu hogaaminayay Khaaliid Yamaas ayaa waxaa ay la kulmeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Sh/dhexe iyagoo kulamo la yeeshay maamulka gobolka.
Saraakiishan ka socotay hay’ada Tika ayaa waxaa ay booqdeen wabiga Shabelle gaar ahaan xiintoyda oo ay carro badan haatan buuxisay,qaar ka mid ah buqaha biyaha wabiga Shabelle ay ka soo fatahaan iyo halka uu ka soo bilowdo biyo xireenka Sabuun oo burbur xoog leh ka jirey labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Warshadaha Difaaca Azerbaijan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Warshadaha Difaaca Azerbaijan

July 25, 2025
Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidamada Xoogga oo ka hortegay weerar ay Khawaarijtu ku qaaday Sabiib iyo Caanoole

July 25, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Shabelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka hadlay waxyaalihii ay iskula soo qaadeen wafdigan ka socday dalka Turkiga waxana uu sheegay in ay u gudbiyeen dhibaatooyinka ka jira gobolka iyo baahiyada degdegga ah ee jira.
“Waxaa ay noo sheegeen inay doonayaan inay ka qeybqaataan horumarka gobolka waxana ay hay’adda Tika inoo ballanqaaday in ay howlo carro tuur ah ka samayn doonaan wabiga Shabelle ayna qodi doonaan biyo xireenka Sabuun iyo weliba inay dayactir ku samayn doonaan wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo magaalada Jowhar.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe.

Dayactirka kanaalka Sabuun ayaa ah mid haddii la fuliyo faa’ido badan ugu jirta beeralayda ku nool gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe waxana biyo xireenkan uu dhirirkiisu gaarayaa 28km halka ballaciisuna uu yahay 30mitir. Biyo xireenka kaliya ee haatan dalka ka shaqeeya ayaa ah biyo xireenka Balcad kaasoo beeralayda khudaarta ee deegaano kamid ah Shabelaha hoose iyo Shabelaha dhexe ay ka faa’ideystaan.

Booqashada wafdiga ka socda dalka Turkiga ayaan ahayn markii ugu horeysay iyadoo hore ay dowlada Turkiga hay’ado ka socday ay ugu deeqeen shacabka gobolka xoolo munaasabada Ciidul Adxaha.

boqasho-sabun-1

boqasho-sabun-2

boqasho-sabun-4

boqasho-sabun-5

boqasho-sabun-12

Xuquuqda Sawirada Waxaa Iska Leh Website-ka Jowhar

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Nicholas Kay Oo Ammaanay Dadaalada Madaxda Dalka ay ku doonayaan Hirgalinta Hiigsiga 2016

Next Post
Nicholas Kay oo soo dhoweeyay sii deynta badmaaxiin afduub loo haystay muddo 4 sano ah

Nicholas Kay Oo Ammaanay Dadaalada Madaxda Dalka ay ku doonayaan Hirgalinta Hiigsiga 2016

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Warshadaha Difaaca Azerbaijan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Warshadaha Difaaca Azerbaijan

July 25, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha...

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidamada Xoogga oo ka hortegay weerar ay Khawaarijtu ku qaaday Sabiib iyo Caanoole

July 25, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa saaka aroortii abbaaraha 6:20...

Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)

Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)

July 25, 2025
0

Cudurka Kaduudiye ama Kaduudshe (Af Ingiriis : Chikungunya, Af Carabi : ar‎) waa xanuun uu keeno fayruska Chikungunya, qofka uu...

DEG DEG Khawaarij lagu laayey Gobolka Shabeellaha Hoose iyo dagaal culus oo ka socda.

DEG DEG Khawaarij lagu laayey Gobolka Shabeellaha Hoose iyo dagaal culus oo ka socda.

July 25, 2025
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si geesinimo leh u fashiliyey weerar naf la caari ah oo ay Khawaarijtu kusoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In