Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo maanta isku raacay in la dhiso guddi ka shaqeeya isku dhafka ciidanka qaranka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo maanta isku raacay in la dhiso guddi ka shaqeeya isku dhafka ciidanka qaranka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 19, Maarso, 2015….Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaan shir gudoominayey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda mudane Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilka jir), waxaana shirka looga hadlay Arrimaha Amniga Dalka, Isku Dhafka Ciidamada Xooga iyo Gudiga Hagida Maamulka Maaliyada,

Ugu horayntii Wasiiirka Amniga ayaa sheegay iney dadaalo badan oo lagu sugayo amniga laga sameeyey caasimada, iyo gobolada dalka, waxaana iska kaashaday ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. Wasiirka ayaa sheegay iney muhiim tahay wada shaqeyn joogta oo ay yeeshaan hay’adaha dowlada iyo shacabka lagu sugi karo xal u helida arrimaha amnaanka.

Related posts

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada ayaa warbixin ka siiyey habka ay u shaqaynayaan gudiga Maamulka Hagida Maaliyada oo loo xil saaray dabagalka qandaraasayada ay dowladdu bixiso iyo waxyaalaha ay dowladdu soo iibsato.

Wasiirka ayaa sheegay in gudigu uu dib u eegis ku samaynayo qandaraasayadii horay loo galay kuwaas oo qaarkood la ogaaday ineysan dhamaystirnayn, dood dheer ka dib golaha ayaa si KMG ah u ansixiyey inuu shaqeeyo gudiga Maamulka Hagida Maaliyada, inta laga ansixinayo hindise sharciyeedka iibka qaranka oo horyaala baarlamaanka.

Dhanka kale Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaan dhiga ayaa golaha uga warbixyey halka uu marayo qorsha isku dhafka ciidamada xooga dalka.
wasiirka ayaa xusay in ay hada jiraan ciidamo ku kala firirsan gobolada qaarkood oo mushaar iyo qalba ay siiso wasaarada gashaandhiga. Maleeshiyooyin beeleedyo, iyo ciidamo ay gaar u leeyihiin maamul goboleedyada ka jira dalka, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la mideeyo dhamaan ciidamadaas.

Ugu danbayntii Soo jeedinta wasiirka marka goluhu uu dood ka yeeshay ayaa la ansixiyey dhismaha gudiga isku dhafka ciidamda qaranka in laga soo xulo dhamaan gobolada dalka, si loo helo ciidan qaran,.

—-DHAMAAD—-

unnamed(3) unnamed(4) unnamed(5) unnamed(6) unnamed(7)

 

Previous Post

“Sawirro”Dayactir lagu sameeyay xarunta safaaradda Soomaaliya ee midowga Yurub

Next Post

Midowga Yurub iyo UN-HABITAT oo Sharaxay Saameynta Mashruuca SECIL ee Muqdisho

Next Post
Midowga Yurub iyo UN-HABITAT oo Sharaxay Saameynta Mashruuca SECIL ee Muqdisho

Midowga Yurub iyo UN-HABITAT oo Sharaxay Saameynta Mashruuca SECIL ee Muqdisho

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In