Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo maanta isku raacay in la dhiso guddi ka shaqeeya isku dhafka ciidanka qaranka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo maanta isku raacay in la dhiso guddi ka shaqeeya isku dhafka ciidanka qaranka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 19, Maarso, 2015….Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaan shir gudoominayey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda mudane Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilka jir), waxaana shirka looga hadlay Arrimaha Amniga Dalka, Isku Dhafka Ciidamada Xooga iyo Gudiga Hagida Maamulka Maaliyada,

Ugu horayntii Wasiiirka Amniga ayaa sheegay iney dadaalo badan oo lagu sugayo amniga laga sameeyey caasimada, iyo gobolada dalka, waxaana iska kaashaday ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. Wasiirka ayaa sheegay iney muhiim tahay wada shaqeyn joogta oo ay yeeshaan hay’adaha dowlada iyo shacabka lagu sugi karo xal u helida arrimaha amnaanka.

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada ayaa warbixin ka siiyey habka ay u shaqaynayaan gudiga Maamulka Hagida Maaliyada oo loo xil saaray dabagalka qandaraasayada ay dowladdu bixiso iyo waxyaalaha ay dowladdu soo iibsato.

Wasiirka ayaa sheegay in gudigu uu dib u eegis ku samaynayo qandaraasayadii horay loo galay kuwaas oo qaarkood la ogaaday ineysan dhamaystirnayn, dood dheer ka dib golaha ayaa si KMG ah u ansixiyey inuu shaqeeyo gudiga Maamulka Hagida Maaliyada, inta laga ansixinayo hindise sharciyeedka iibka qaranka oo horyaala baarlamaanka.

Dhanka kale Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaan dhiga ayaa golaha uga warbixyey halka uu marayo qorsha isku dhafka ciidamada xooga dalka.
wasiirka ayaa xusay in ay hada jiraan ciidamo ku kala firirsan gobolada qaarkood oo mushaar iyo qalba ay siiso wasaarada gashaandhiga. Maleeshiyooyin beeleedyo, iyo ciidamo ay gaar u leeyihiin maamul goboleedyada ka jira dalka, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la mideeyo dhamaan ciidamadaas.

Ugu danbayntii Soo jeedinta wasiirka marka goluhu uu dood ka yeeshay ayaa la ansixiyey dhismaha gudiga isku dhafka ciidamda qaranka in laga soo xulo dhamaan gobolada dalka, si loo helo ciidan qaran,.

—-DHAMAAD—-

unnamed(3) unnamed(4) unnamed(5) unnamed(6) unnamed(7)

Previous Post

“Sawirro”Dayactir lagu sameeyay xarunta safaaradda Soomaaliya ee midowga Yurub

Next Post

Midowga Yurub iyo UN-HABITAT oo Sharaxay Saameynta Mashruuca SECIL ee Muqdisho

Next Post
Midowga Yurub iyo UN-HABITAT oo Sharaxay Saameynta Mashruuca SECIL ee Muqdisho

Midowga Yurub iyo UN-HABITAT oo Sharaxay Saameynta Mashruuca SECIL ee Muqdisho

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In