Kooxda Dynamo Kyiv ayaa garoonkeeda 5-2 uga badisay kooxda Everton oo ka socotay dalka ingiriiska.
Kooxda Dynamo Kyiv ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Andriy Yarmolenko.
Ciyaaryahan Romelu Lukaku ayaa daqiiqadii 29-aad ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Everton.
Kooxda Dynamo Kyiv ayaa labo gool oo deg deg ah dhalisay,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Lukasz Teodorczyk iyo Miguel Veloso,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Ciyaaryahan Oleg Gusev ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka afaraad u dhaliyay kooxda Dynamo Kyiv.
Ciyaaryahan Antunes ayaa goolka shanaad u dhaliyay kooxda Dynamo Kyiv.
Ciyaaryahan Phil Jagielka ayaa goolka labaad u dhaliyay kooxda Everton.
Kooxda Everton ayaa ahayd kooxdii ugu danbeysay oo ingiriis oo ka harta koobka Europa League-ga.
Madaxweynaha dalka Ukraine Petro Poroshenko ayaa daawanayay ciyaarta,isagoo taageerayay kooxda Dynamo Kiev.
Kooxda Dynamo Kyiv ayaa isku celcelis ahaan 6-4 ugu soo baxday quarter finalka kooxda Europa League-ga.
Kooxda Roma ayaa waxaa garoonkeeda Stadio Olimpico 0-3 uga badiyay kooxda Fiorentina.
Kooxda Fiorentina ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhalisay afar gool,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Gonzalo Rodriguez, Marcos Alonso iyo Jose Maria Basanta,sidasi ayaana lagu kala nasay qeybtii hore ee ciyaarta.
Kooxda Fiorentina ayaa isku celcelis ahaan 4-1 ugu soo baxday quarter finalka koobka Europa League-ga.
Kooxda Napoli ayaa sidoo kale u soo baxday quarter finalka koobka Europa League-ga,ka dib markii ay barbardhac 0-0 ah la gashay kooxda Dinamo Moscow ee dalka ruusha.
Kooxda Napoli ayaa lugtii hore ku soo badisay 3-1.