Friday, August 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta baadi qabadka xoolaha dowladda Hoose ee Xamar oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 21, 2015
in Wararka
0
Xarunta baadi qabadka xoolaha dowladda Hoose ee Xamar oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cilmi Cali Xalane oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulka ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xaruunta baadi qabadka xoolaha Dowlada Hoose Xamar, taasi oo loogu talagalay in lagu xanaaneeyo xoolaha dhex wareegaya caasimadda, si ay u hagaagto bilicda magaalada.

Taliyaha ciidanka Ilaalada deeganka Xamar Axmed Xuseen Mahdi ayaa sheegay in xaruntan ay ahaan jirtay goobta lagu xanaaneeyo xoolaha baadida ah ee magaalada dhex wareegaya, isla markaana ay diyaar u yihiin marka la dhameeyo dhismaheeda ay xoolaha ku xareyn doonaan.

Related posts

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025

“Waa xaruntii baadi qabadka xoolaha nool ee duurka wareegaya, gaar ahaan kuwa magaalada dhex maraya, waxaana loogu talagalay in lagu xanaaneeyo xoolaha, si loo ilaaliyo bilicda caasimadda” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar.

Agaasimaha xiriirka degmooyinka Gobolka Banaadir Muqtaar Maxamed Axmed “Dhagacadde” ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay mashruuca dhiso dalkaaga, shacabkana looga baahanyahay in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska xarumaha danta guud ee dalka.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan degmada ay soo dhaweynayaan, isla markaana ay diyaar u yihiin la shaqeynta dadka ku shaqada leh.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cilmi Cabdi Xalane ayaa sheegay in dhismaha xarunta uu qeyb ka yahay dhiso dalkaaga, waxaana uu baaq u jeediyay ganacsatada iyo shacabka inay ka qeyb qaataan dhismaha xaruntan.

“Dhismaha marka uu dhamaado kaddib, muddo ayaa loo qaban doonaa dadka xoolaha ku dhaqda caasimadda, iyadoo xoolihii iyaga oo magaalada iska wareegaya lagu dhex arka, lagu xareyn doono xarunta, isla markaana uu ganaax muteysan doono cidda iska leh, mudadaasi ganaaxa haddii uu bixin waayo lacagta lagu ganaaxay, xoolaha waxaa lagu wareejin doonaa xabsiga dhexe ee Xamar, si maxaabiista loogu qalo” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka.

_MG_9283

_MG_9300

_MG_9306

_MG_9308

_MG_9310

_MG_9312

_MG_9321

_MG_9323

_MG_9324

_MG_9325

Previous Post

Aqoon kororsi loo furay shaqaale ka tirsan xafiiska xisaabiyaha guud ee Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada Haweenka Ee Ku Jira Baarlamaanka Soomaaliya Oo Aqoon Kororsi Loogu Soo Xeray Kampala “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaannada Haweenka Ee Ku Jira Baarlamaanka Soomaaliya Oo Aqoon Kororsi Loogu Soo Xeray Kampala “SAWIRRO”

Xildhibaannada Haweenka Ee Ku Jira Baarlamaanka Soomaaliya Oo Aqoon Kororsi Loogu Soo Xeray Kampala “SAWIRRO”

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda...

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

August 22, 2025
0

Munaasabad lagu daahfuray Buugga lagu magacaabo Dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, Waxaana ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In