Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qeyb ka ahaa qeybta 4aad ee ka howl galaysa gobolka Hiiraan ayaa magaalada Beledweyne loogu sameeyay xaflad sagootin ah kaddib markii lagu beddelay askar kale.
Ciidanka la beddelay ayaa ka socday waddanka Ethiopia waxay shaqeynayeen sanad iyo saddex bilood sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka qeyb gashay munaasabadda.
“Shacabka Soomaaliyeed waa idiin abaal hayaan, midowga Afrikana waa idinku faanayaan, waxaad qabateen shaqo lagu faani karo” ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM oo ka hadlay xafladda sagootinta.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa u mahad celiyay dowladaha ciidankooda ku biiriyay howl-galka AMISOM, isagoo tilmaamay in gobolka Hiiraan ay wax badan ka qabteen muddadii ay ku sugnaayeen.
“Waxaan u mahad celinayaa ciidamada AMISOM ee shaqada soo waday muddada dheer, waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa Dowladda Ethiopia ka qeyb ahaanshaheeda howl-galkan qiimaha badan” ayuu yiri guddoomiye Hiiraan.
Ciidamo ka socda Jabuuti iyo Ethiopia ayaa ka howl gala gobolka Hiiraan, kuwaas oo ciidanka Soomaaliyeed ku caawiyay in magaalooyin badan laga saaro kooxda Al-Shabaab.